Cuntooyinka Dhaqan Ahaan La Isku Sharfo Dalka Ciraaq Oo Uu Kalluunku Ugu Horeeyo

0
361

Cuntooyinka dhaqanka ah ee dalka Ciraaq aadka looga isticmaalo dadka la sharfayana lagu casuumo waxaa ka mid ah kalluun inta uur ku jirta laga nadiifiyo kadibna inta milix iyo xawaashyo kala duwan la mariyo la dubo isaga oo isku wada xidhan. Waxa aanay si gaar ah u jecel yihiin nooc kalluunka ka mid ah oo laga soo saaro webiga Dijla. Nooc kalluunkaas ka mid ah oo Ciraaqiyiintu Shubuud u taqaanno Af-ingiriisigana Carp lagu yidhaahdo ayaa waxaa madaxa hoostiisa kaga yaalla waslad yar oo caado ahaan ay Ciraaqyiintu u yaqaannaan in ay ka macaantay cadka kale ee kalluunka, sidaa awgeed haddii qof wasladdaas la siiyo macnaheedu waa ixtiraam iyo weynayn.

Leave a Reply