Maalin kasta dunida waxa soo baxaya cilmi baadhis cusub oo ay isku hawleen aqoon yahano, daraasad cusub ayaa cadaysay in hurdada habeenkii ay aad ugu fiican tahay nasashada maskaxada. Wakhtiga qofku hurdo maskaxda waxa ku yaraada soo deynta dheecaanada Dopamine oo ka masuul ah faraxadda iyo wanaagga qofka.
Haddab daraasadan ayaa si buuxda dadka ugu dhiirgelisay inay hurdada ka toosaan ka hor inta aanay soo bixin cadceedu taasi oo keenaysa in maskaxdu ay si fiican u hesho dheecaandaasi oo ka qayb qaata faraxdad Dopamine. Rasuulka Allah (Scw) ayaa ku dhiirgeliyay dadka muslmiinta ka hor daraasadan waxaana uu ku yidhhi Xadiiskan : “ Shaydaanku midkiin marka uu seexdo wuxu ku xidhaa saddex guntimood, marka uu tooso wuxu ka furaa guntin , marka uu wayso qaatana wuxu ka furaa tan labaad, marka uu tukanada waxa ka furanta tan sadexaad waxaan uu waagu u beryaa isagoo firfrionn oo nashiid ah “ ( Muslim)