Sidee Kalluumaysiga Looga Samayn Karaa Shaqo Abuur?

0
703

Wasaaradu Kaluumaysigu Waa in ay Samaysaa Hawl-galo La xidhiidha Xoojinta Kaluunmaysiga.
Dalka Somaliland waxa uu kaalin fiican kaga jiraa wadamada leh Xeebaha dhaadheer iyo Badaha uu Illaahay ku manaystay khayraadka faraha badan ee kala duwan.
Sidaas oo ay tahay Badda Somaliland, waxa ay kaalin weyn ka qaadan kartaa horumarinta dhaqaalaha iyo baruuritaanka fursado shaqo, haddii si wanaagsan loo maareeyo, oo looga manafacaadsado khayraadkeeda.
Hadaba, si loo sugo tallaabadaas, Waa in Wasaarada Kaluumaysigu ku dhaqaaqdaa arrimahan:

  1. Wasaarada Kaluumaysigu waa in ay Bulshada u soo bandhigtaa wax kasta oo u sahlaya hawlaha kaluumaysiga, isla markaana waa in ay Bulshada ku baraarujisaa Kaluumaysiga.
  2. Waa in ay samaysaa qorsheyaal istaraatiijiyadeed oo dulucdoodu tahay hannaanka kaluumaysiga, suuq-gaynta, ka war-haynta khayraadka bada iyo in ay wadanka u soo kireeyaan dad aqoon fiican u leh samaynta noocyada kala gedisan ee doonyaha casriga ah ee lagu kaluumaysto.
  3. Intaa Ka bacdi, Waa in ay Wasaaradu Ku dhaqaaqdaa barnaamijyo wacyi-gelin ah, oo ay Bulshada ugu soo bandhigayso muuhimada kaluumaysiga.
  4. Waa la isku dayo, sidii loo heli ama loo samayn lahaa Warshado lagu qasaacadeeyo Kaluunka.

Leave a Reply