Xanuunka Xasaasiyadda Ee Uu Keeno Isticmaalka Kalluunku, Yaa Halis Ugu Jira?

0
364

Xasaasiyadda kalluunka waxa ay ka timaaddaa jidhka oo diida borotinka ku jira hilibka kalluunka. Borotinkani waxa uu ku jiraa noocyo badan oo kalluunka ka mid ah, laakiin dadka xasaasiyadda ku leh kalluunka badankoodu waxa ay diidaan nooca loo yaqaano ”torsk”. Qiyaastii kala badh dadka xasaasiyadda ku leh kalluunka ayaa jidh-diida dhammaan noocyada kalluunka. Qaar ka mid ah ayaa xammil u leh noocyo ka mid ah kalluunka sida ”Laks”, ”ørret”, ”Makrell” iyo kalluunka biyaha macaan, halka ay kuwo kalena jidh diidaan kalluunka cascas oo keliya oo ay xammil u leeyihiin nooca loo yaqaanno ”torsk”.
Walxaha xasaasiyadda keena ee kalluunka ku jiraa waa kuwo xammil u leh kulaylka, taas oo macnaheedu tahay in aanay ku tegin karinta iyo shiilitaanka kalluunka midna. Dadka qaar leh dareen xasaasiyadeed oo nugul ayay xataa kaga kacdaa haddii ay uriyaan uumiga kalluun la karinayo, waayo uumiga kalluunku wuu kicin karaa xasaasiyadda.
Xasaasiyadda ka kacda xayawaanka qolofleyda ayaa iyana noqon karta mid halis ah, oo inta badan qofka la socota inta uu nool yahay. Ma adka in cuntada la quuto laga fogeeyo oo aan lagu darin cunto ka timi xayawaan qolofley ah, isla markaana ma jirto baahi nafaqo oo lagama maarmaan ka dhigaysa in cuntada lagu daraa. Waxa jira dad aan caadi ahaan xasaasiyad ku lahayn xayawaanka qolofleyda ah oo haddana jidh diida. Jidh-diidkan waxa la filayaa in ay sabab u tahay jidhka oo iska saaraya maaddada lagu magacaabo ”hestamin”ta.
Ma jiraan wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya xasaasiyadda kalluunka iyo xasaasiyadda xayawaanka qolofleyda ah.
Astaamahee lagu gartaa xasaasiyadda kalluunka?
Dadka qaba xasaasiyadda kalluunka waxa ka muuqda astaamaha xiiqda, calool xanuun, cambaar iyo indhaha iyo sanka oo biyo ka hooraan.
Marmar dhif ah ayuu kalluunku kiciyaa xasaasiyad xoog badan, nooca loo yaqaano ”anafylaktisk sjokk”, oo ay weheliso hoos u dhac ku yimaadda cadaadiska dhiigga  iyo naqas qaadashada oo cidhiidhi gasha. Eeg qoraalka ka hadlaya xasaasiyadda.
Sidee loo daaweeyaa xasaasiyadda kalluunka?
Xasaasiyadda cuntada daawadeedu waa iyada oo laga tago oo la iska ilaaliyo cuntooyinka ay kaaga kacayso xasaasiyaddu.
Waxyaalabee uu ku jiraa kalluun?
Qayb waxoogaa ah oo ka mid ah cuntooyinka diyaarka ah ayuu ku jiraa kalluun ama waxyaabo laga sameeyey kalluun. Tusaale ahaan ”leverpostei” oo roodhida la marsado ayaa waxa ku jiri kara ”ansjos”, laakiin waa suurogal in la iibsado mid aanu ku jirin ”ansjos” ku.
Salladhka casaanyada ee loo yaqaano ”krabbesalat” waxa ku jiri kara kalluun, sidoo kale ”crab-sticks” waxa uu ka samaysan yahay kalluun, ee kama samaysna xayawaan qolofley ah. Tusaale kale ”fiskeboller”ka way kala duwan yihiin noocyada kalluunka ee laga sameeyaa. Xawaashyada ”oystersaus”, ama sooska kalluunka waxa laga sameeyaa kalluun iyo xayawaan qolofley ah waxaana loogu isticmaalaa sidii xawaash oo kale cuntooyin badan oo eeshiyaan ah. Dadka qaba xasaasiyadda kalluunku sida caadiga ah xammil ayay u leeyihiin saliidda kalluunka ee loo yaqaano ”Tran”, waayo si fiican ayaa looga sifeeyey borotiinka.
Galalka cuntooyinka ayaa lagu qoraa in cuntada uu ku jiro kalluun ama wax kalluun laga sameeyey, tusaale ahaan baruur xayawaan/saliid. Dadka qaba xasaasiyadda kalluunka intooda ugu badani waxba kuma noqoto saliidda kalluunka, laakiin dadka xasaasiyadda leh qaar ka mid ah ayaa leh dareen xasaasiyadeed oo taagan oo jidh diidaya raadka borotiinka ee soo raaca saliidda kalluunka.
Yay ku dhacdaa xasaasiyadda kalluunku?
Xasaasiyadda kalluunku waxa ay dadka ku dhacdaa inta ay yar yar yihiin, laakiin dhif iyo naadir ayay ku dhacdaa qof ka yar hal sano. Sababtuna waa iyada oo sida caadiga ah aan kalluun la siinin ilmaha ilaa uu gaadho hal sano. Xasaasiyadani inta badan waxa ay qofka haysaa inta noloshiisa ka hadhay.
Xasaasiyadda kalluunku waxa ay dhib ku haysaa shirkadaha wax soo saarka kalluunka, iyada oo ay shaqaalaha kaga kacdo canbaarta taabashada iyo xiiqdu.
In kasta oo ay dadka qaar si halis ah ugu kacdo xasaasiyadani, haddana ma badna dadka qabaa marka la eego adduunka guud ahaan.
 
 

Leave a Reply