Tiradda Dadka Macaluusha Iyo Haraadka Ugu Dhintay Awdal Oo Gaadhay Sideed Qof

0
414

Boorama (Dawan):-  Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax),  ayaa xaqiijiyay in laba ruux oo kale   ay   Harraad iyo Gaajo ugu dhinteen degaanka  Fardo-lagu-xidh ee degmada Lughaya ee Gobolka Awdal kadib markii ay abaarta ku dhufatay dalka Somaliland ay kaga baxeen   xoolihii ay ku noolaayeen isla markaana ay waayeen wax ay cunaan.
Guddoomiyaha  gobolka Awdal ayaa  ugu baaqay in gacan laga wada geysto gurmadka lagu samato bixinayo dadka hayaanka ah ee jidadka tuullooyinka iyo degmooyinka gobolka Awdal ee dhanka xeebta ah ku rafaadsan ee ku dhimanaya. “Waxaa maanta (shalay)  dhintay laba qof oo ku dhintay deegaanka Fardo Lagu Xidh ee degmada Lughaya tirada guud ee dhimatay illaa imika ee na soo gaadhayna waa 8 qof dadka dhimanayaana waa nugulkii jilicsanaa oo isugu jira Waayeel iyo carruur.
Gurmadku  ma joogsanayo oo wuu soconayaa,  dadkuna way jilicsan yihiin oo waxay cunaan  oo nafta lagu qabto ayay u baahan yihiin,  dad wax karsan karaya ma aha,  mana awoodaan in ay wax qaataan waa dad xoolihii ay ka baxeen oo keligood ah,  oo wixii ay ku  noolaayeen ka dhinteen imikana arrintu xoolo ma taagna ee waxay taagan tahay in la bad-baadiyo dadkaa jilicsan ee waddooyinka socda oo wax ay cunaan lala gaadho isla markaana gaadiid lagu soo raro oo meelo la isugu keeno, oo  wax lagu siiyo,” ayuu yihi Guddoomiye Ramaax oo xalay telefoonka ugu waramay DAWAN.
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay tallaabooyinka ay qaadeen iyo illaa hadda Gurmadka taakulada ah ee soo gaadhay, waxaa yidhi  “Gurmad badani wuu na soo gaadhay oo ka kala yimid  Xukuumadda iyo dadka reer Boorama oo si deg deg ah uga soo jawaabay baaqii qaylo dhaanta ahaa ee aanu jeedinay laakiin ma aha mid wax ka taraya ama wada gaadhaya oo daboolaya dhibaatada taalla.  Waxaana  jirta in aanu mar labaad hawl gelinay guddidii abaaraha heer gobol ee ay culimadu hoggaaminaysay oo wixii gurmad ah ee na soo gaadha aanu u dhiibayno si dadka loo gaadhsiiyo.”
 
Maxamuud Cali Saleebaan oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Weftigii  Madaxweyne ku-xigeenku hoggaaminayay lacag iyo  Timir ayay noo keeneen, ganacsatada gobolku kaalin weyn   ayay   ka qaateen oo kulankii shalay (Dorraad) waxaa lagaga yaboohay lacag dhan dhawr iyo labaatan kun oo Doollar oo loo dhiibay Guddiga abaaraha,  waxaa kale oo jira dadweynaha reer Boorama oo si weyn isku abaabulay oo raashin bisil iyo mid fududba gurmadka kaga qeyb qaatay.
Waxaanan  aad iyo aad ugu mahad naqayaa dadweynaha reer Boorame ee Baabuurtoodii noo keenay ee dadka lagu soo gurayo. Waxaa kale oo aanu hawl galinay dhammaan gaadiidkii dawladda ee Gobolka iyo degmada oo dadka oo aan is ogayn meel ay marayaan oo iska socda baadi goobaya oo cunto iyo biyo la gaadhaya.waxaa kale oo aanu doonaynaa in hoos loogu dhaadhaco xeebta oo dadka la soo guro si meel la isugu keeno oo  kaamam loogu sameeyo lagu quudiyo  kadibna lagu celiyo deegaamadoodii.”
Mar aanu waydiinay in ay jiraan cuduro ka dhashay xaallada adag ee ay dadku ku sugan yihiin,ayuu yidhi. “Way jiraan dad nafaqo daradu ay soo ridday oo  uu  ku  dhacay cudurka shubanku,  waxaanan samaynay  gurmad caafimaad oo deg deg ah oo laga hawl galiyay magaalooyinka   Boon, Qulujeed iyo Habaas. Halkaas oo ay kooxo caafimaad ka hawl galeen isla markaana ay ka bilaabeen dawayn iyo xakamaynta shubanka oo aanu doonayno in aanu dadka ku sii fidin waxaanan aad iyo aad ugu hambalyaynayaa Wasaaradda Caafimaadka iyo Madaxda Caafimaadka,dhakhaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha Gobolka Awdal oo deg u hawl galay dawynta dadkana ku dhaqaaqay.”
Dhimaca kale Xildhibaan ka  tirsan golaha degaanka degmada Boorama oo ka mid ah xubno gurmad taakulayn ah ku marayay deegaano ka tirsan gobolka Awdal ayaa isagoo ku sugan magaalada Cabdiqaadir u sheegay Wargeyska DAWAN  in xaalad aadaminimo oo culus  ay  halkaa ka jirto isla markaana ay dadka gaadhsiiyeen Timir,  cunto fudud iyo biyo, waxaanu ku baaqay in gurmadka lagala qayb qaato oo gaadiidka xamuulka ah ee waawayn lagaga qayb qaato sidii dadka loosoo guri lahaa.
Xildhibaan  Mustafe Maxamed Xasan(Xayte) oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Illaa shalay waanu soconay waxaanan ku jirnay gurmadka abaaraha ee lagu samato bixinayo dadka xoolohoodii ay ka dhamaadeen ee tabaalaysan waxaanad xaalada ay ku sugan yihiin aad ogaanaysaa marka aad dhex tagto ee aad aragto qof neefkiisii oo bakhtiyaya naftu ka dhaqaajin kari waydy oo doonaya in uu qaado oo ay mar wada bakhtiyaan.
Dadka  inta badan xoolihii way ka dhamaadeen imikana iyaga ayaa halis ku jira oo  u baahan in loo gurmado oo meel la isugu keeno, imikana(Xalay) waxaanu qaybinaynaa toban gaadhi oo caawimo sida oo nasoo gaadhay,walina waxaa jira dad badan oo soo socda oo dhanka xeebta ka soo socda oo aan awoodin in ay buuraha ka soo baxaan oo u baahan in halkaa loogu tago oo lagaga soo qaado gawaadhi taana waanu ku hawlanahay.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply