Guddoomiyaha Hay'adda Diiwaanka Sakada Somaliland oo Shir Caalami ah Kaga Qeyb-galay Dubai

0
358

Dubai (Dawan)- Guddoomiyaha Hay’adda Diiwaanka Sakada Jamhuuriyadda Somaliland Dr Siciid Maxamed Faarax, ayaa ka qeybgalay shirweyne caalamiya oo lagaga hadlayo horumarinta bani’aadanimada iyo taakuleynta dadka tabaalaysan oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta.
Shirweynahan oo ay qabatay hay’adda Dubai International Humanitarian Aid & Development (DIHAD) oo qabsoomay maalintii Isniinta ee taariikhdu ahayd 21 March 2016, waxa waxa furay Sheekh Maxamed Bin Rashid Al Maktuum oo ah Madaxweyne-xigeenka, Ra’iisal-wasaaraha Imaaraadka Carabta iyo Amiirka Dubai.
Shirkan oo ah kii 13aad ee dawladda Imaaraadka Carabtu qabato waxa ka galaya in ka badan 300 hay’adood oo isugu jira kuwa dawli ah iyo ku gaar loo leeyahay oo ka kala socda waddamada adduunka, madaxda 66 dawladood iyo in ka badan in ka badan kun qof  oo marti-sharaf ahaan lagu casuumay.
Muddo saddex maalmood ah oo shirweynahani socon doono waxa lagu falanqayn doonaa qodobbo la xidhiidha horumarinta bani’aadanimada, taageeridda dadka saboolka ah, kuwa ku sugan goobaha dagaalladu ka jiraan iyo weliba dadyowga abaaraha kulul ku habsadeen.
Guddoomiyaha Diiwaanka Sakada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Siciid Maxamed Faarax oo ka mid ah madaxda caalamka ee lagu martiqaaday shirweynahan, ayaa shirkaas ka jeediyey khudbad uu beesha caalamka iyo hay’adaha deeqaha bixiya ugu bandhigay baahiyaha iyo duruufaha adag ee ka dhashay abaaraha aadka u adag ee waqtigan ka taagan degaanno badan oo ku yaal dalka.
Dr. Siciid Maxamed Faarax waxa uu sheegay in loo oggolaaday Somaliland ka-qaybgalkan shirweynahan caalamiga ah oo sannad kasta la qabto, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid suurtogalin doonta in Somaliland qayb weyn ka hesho deeqaha caalamku bixiyaan.
Marwada Amiirka Dubai, Haya Bintu Xuseen oo oo khudbad ka jeedisay furitaankii shirweynaha, ayaa ka warrantay shirkani u leeyahay sidii taageero aadanimo loogu fidin lahaa dadka tabaalaysan ee ay la soo darseen dhibaatooyinka baaxadda leh ee saamaynta ku yeeshay noloshooda, “si,” bay tidhi; “loo yareeyo faqriga, loona taageero dalalka dhibaatooyinka bani’aadanimo ka jiraan sida dagaallada iyo aabaraha.”
Madax tiro badan oo ka kala socday dalalka adduunka oo kulankaas ka hadlay, ayaa dhammaantood farta ku fiiqay baahida loo qabo in taageero buuxda loo fidiyo dadka saboolka ah iyo taakuleynta bulshooyinka ku dhaqan waddamada dhibaatooyinka nololeed ka jiraan, sidaa darteedna waxay ku baaqeen in caalamku u midoobo caawinta dadyowga tabaalaysan.
Waa markii ugu horreysay ee Jamhuuriyadda Somaliland ka qaybgasho shirweynaha caalamiga ah ee DIHAD oo kulmiya hay’adaha iyo dawladaha ugu waaweyn adduunka ee caawimooyinka bixiya, gaar ahaan waddamada Carabta.
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply