Xisbiga WADDANI Oo Badhasaabkii Hore Ee Awdal U Magacaabay Xubintii Kaga Jirtay Guddida Aqoonsi Raadinta

0
335

Hargeysa(Dawan)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI,ayaa  soo saaray qoraal ay ku sheegeen inay buuxiyeen xubintii xisbigooda u matalayay   Guddida ictiraaf raadinta Somaliland ee uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Somaliland.Xoghayihii hore ee warfaafinta xisbiga WADDANI boobe Yuusuf Ducaalle  oo dhawaan iska casilay kana baxay xisbigaas, ayaa xubin ka ahaa Guddida ictiraaf raadinta. Sidaas darteed, waxay sheegeen inay xubintaasi ku bedaleen  Axmed Xadi Sidci.
 
Sida lagu sheegay qoraal uu Guddoomiyaha WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) u qoray Wasirka Arrimaha dibadda Somaliland.
 
“Mudane Wasiir,Tixraac Warqadaada  ku taariikhaysanayd  20/3/2016 kuna saabsanayd buuxinta xubinta Xisbiga WADDANI ee Gudidda Aqoonsi-raadinta.Waxa Xisbiga WADDANI Xubintaas u soo magacaabay Mudane: AXMED XADDI SIDCI,”ayuu Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ku sheegay qoraalkiisa.
 
Axmed Xadi Sidci oo ka soo jeeda gobolka Awdal, waxa uu ahaa badhasaabkii uu madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Gobolka Awdal. Waxaanu dhawaan magaaladda Boorame kaga biiray xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply