Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha Oo Ka Furmaysa Degmooyinka Hargeysa Iyo Sallaxley

0
450

Hargeysa(Dawan)-Waxa maanta oo khamiis ah  ka bilaabmaya Gobalka Maroodijeex gaar ahaan labada Degmo ee kala ah Hargeysa iyo Salaxlay wacyigalintii Diiwaan-gelinta codbixiyaha.
Diiwaan-galinta Codbixiyaha oo si toos ah uga bilaabmi doonta 02/04/2016 Degmada Hargeysa iyo Degmada Salaxlay kana socondoonta muddo 28 cisho ah. Waxa bulshada ku nool labadan Degmo la ogeysiinayaa in ay ka faa’iideystaan wacyi-galinta ka socota degmooyinka una diyaar garoobaan diiwaan gelinta ka bilaabmi doonta 02/04/2016 gobalka.
Sidoo kale waxa wali ka socota gobalka Saaxil, labada degmo Gabiley & Bali-gubadle diiwaan-galintii codbixiyaha oo ku eg 10/04/2016.
Gabagabadii komishanka doorashooyinka qaranku waxay ku wacyi gelinayaan bulshada Somaliland in ay ka faa’iideystaan Wacyigalinta diiwaan gelinta codbixiyaha, sidoo kalana is diiwaan galiyaan.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply