Laba ka mid ahaa dadkii geystay weeraradii qarxinta ahaa ee salaasadii ka dhacay Brussels ayaa lagu kala magacaabay Khalid iyo Brahim el-Bakraoui, oo ahaa walaalo muwaadiniin Beljam ah

0
457

Dacwad oogayaasha  fadaraalka ayaa sheegtay in uu  Brahim  qeyb ka ahaa weerarkii  madaarka  Zaventem oo lagu dilay 11 qof, halka Khalid  isku qarxiyay saldhigga tareenka  Maelbeek metro, halkaasi oo ay ku dhinteen 20 qof.
Labo qof oo kale oo qey ka haa weerarka madaarka ayaan weli la aqoonsan, kuwaasi oo mid dhintay, kii kalena baxsad ku maqan yahay.
 
Dacwad oogayaasha ayaa sheegay  inuu  Brahim ka tegay  qoraal uu ku sheegay  welwelka haya.
 
Boqorka iyo boqorada Belgium ayaa booqday  madaarka, waxaanay  260 dhaawacmay ku booqden cusbitaalada.
Boliiska ayaa horay u yaqaanay nimanka Raadinta nin saddexaad ayaa socota oo warbaahinta ay ku magacawday Najim Laachraoi. Laachraoui ayaa loo raadinayay qaraxii Paris ee November.
Soddon iyo afar qof ayaa ku dhintay in ka badan laba boqol ayaa ku dhaawacmeen weerarka.
Kooxda IS ayaa sheegatay inay ka danbaysay weerarka. Dalka Belgium calanka ayaa hoos loo dhigay iyadoo waddanka uu ku dhawaaqay saddex maalin oo tacsi ah.

Leave a Reply