Madaxweynaha Somaliland Oo Xalay Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjireyaal Ka Socday Dawladda Ingiriiska

0
448

Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xalay xafiiskiisa ku qaabilay laba danjire oo ka socday dawladda Ingiriiska oo socdaal shaqo ku yimid Somaliland.
Labadan Safiir oo kala ah safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ms. Harriet Mathews, oo ay weheliso Ms. Cat Evans oo ah ku xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska ee dalka Itoobiya.
 
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi Faahiye (Shamax). Waxaanu u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud  (Siilaanyo), ayaa xalay  xafiiskiisa kula kulmay, safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Ms. Harriet Mathews, oo ay weheliso Ms. Cat Evans oo ah ku xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska ee dalka Itoobiya.
 
Madaxweynaha oo ay kulanka ku weheliyeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Mudane, Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), Wasiirka Arrimaha Gudaha, Mudane, Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta, Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali.
Ugu horayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa warbixin siiyey safiirrada Ingiriiska ee Somaliland iyo Soomaaliya & Safiir ku xigeenka ingiriiska ee Itoobiya, waxaanu madaxweynuhu ku dheeraaday xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, kaas oo uu ku sheegay inuu ku dhisan yahay is qadarin iyo wada shaqayn, isagoo si gaara uga mahad naqay caawimooyinka tirada badan ee dawladda Ingiriisku ka geysato Somaliland, siiba dib-u-dhiska dalka, kobcinta dimuqraadiyada iyo adkaynta amniga, iyadoo dawladda Ingiriisku ka qeyb qaadato sanduuqa horumarinta Somaliland ee loo yaqaan (SDF).
Madaxweynuhu waxa kale oo uu in badan ka hadlay xaalada abaarta ee dalka ka jirta, taas oo uu ku sifeeyey abaar dheeraatay oo caam yeeshay guud ahaan dalka, xoolihii ay dadku ku tiirsanaayeena ay badankoodii le’deen, dhawr kii qof ee ugu horeeyey oo ah caruur iyo waayeelina  ay ku dhinteen gobollada galbeedka.
 
Madaxweynuhu wuxuu u sheegay weftiga in ay kala-badh ummadda Somaliland saamaysay abaartu, baahi darani ay hayso, xoolihiina ay ka baxeen, una baahan yihiin cunto, hoy iyo kaalmo binu-aadanimo oo ay ka mid tahay sidii deg-deg loogu gurman lahaa dadkaas, madaxweynuhu waxa uu xusay haddaan dhakhso loogu gurman oo beesha caalamku ka gaabiso wax la qabashada Somaliland ee dhinaca abaaraha, inay masiibo binu-aadami dhici karto, wiiqina doonto abaartaasi, Amniga, iyo dib u dhiska dalka.
 
Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay barmaamijka qaran ee isdiwaangelinta codbixiyeyaasha, oo uu sheegay in ay hada gobollada qaar ka soo dhammaatay, qaarna ay imika ka socoto, kuwa hadhayna dhawaan loo gudbi doono.
Madaxweynuhu waxa uu isdult aagay, xog warrana ka bixiyey amniga dalka iyo mandaqada ay Somaliland ku taallo.
 
Dhinaca weftiga waxa halkaas ka hadashay Safiirka Ingiriiska ee  Somaliland iyo Soomaaliya, waxay sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay sida loogu soo dhaweeyey dalka, iyo kulanka ay madaxweynaha la yeesheenba.
Waxa kale oo ay sheegtay in markasta oo ay timaado dalka ay ku aragto isbedel iyo horumar ka hirgalay dalka, taasina ay ka turjumayso hogaaminta wanaagsan ee dalka ka jirta.
 
Si gaara waxay uga hadashay safiirradu in xubno ka mida weftigeedu ay booqdeen dad u taagan safafka isdiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay haween badani ku jireen, kuwaas oo u taagnaa inay isu-diiwaangeliyaan, siday uga qaybgeli lahaayeen doorashada dhici doonta horraanta 2017-ka, taas oo ay ku sifaysay in haddii ay isdiwaangelin fiicani dhacdo, sida ay u socoto hadda, ay suurto gelindoonto inay qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ahi, waxay intaa ku dartay inay ku qanacday qalabka lagaga shaqaynaayo isdiiwaangelinta codbixiyeyaasha, kuna tilmaantay mid casri ah oo tayo leh, laguna gaadhayo inay dhacdo doorasho caddaalad ku qotontaa.
Dhinaca Abaaraha mar ay ka hadlaysay waxay sheegtay inay dalkeeda gaadhsiin-doonto sidii Ingiriisku uga qeyb-qaadan lahaa gurmad dhakhso ah oo la gaadhsiiyo dadka tabaalaysan ee Somaliland, sida ugu horraysana looga soo jawaabi doono, gacansiinta dhinaca abaaraha.
 
Sidoo kale waxay ka hadashay arrimaha amniga ee mandaqadda. waxa iyana hadalka raacisay safiir ku xigeenka dalka Itoobiya oo iyana sheegtay inay ku faraxsan tahay horrumarka ay Somaliland ku tallaabsatay, dawladda Ingiriiskuna balaadhin doonto dhinacyo badan oo ay hadda iskaashi ka wada leeyihiin Somaliland iyo Ingiriisku.
 
Masuuliyiintii ku wehelisay kulanka madaxweynaha, ayaa iyaguna ku darsanayey hadal la xidhiidha ujeedooyinkii lagaga wada hadlayey fadhiga.
Markii uu soo dhammaaday fadhigu, waxa hadal kooban oo ku saabsan kulanka saxaafadda siiyey Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland iyo safiirka Ingiriiska ee  Somaliland iyo Soomaaliya.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply