“Bulshadda Gobolka Maroodi-jeex Waanu Wacyi-gelinay, Waana u Diyaar Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha”

0
286

Hargeysa(Dawan):  Diiwaan-gelinta Codbixiyeyaasha  ayaa si rasmi ah uga bilaabmaysa laba degmo oo ka tirsan  gobolka Maroodi-jeex,  kad ib markii ay hore uga soo qabsoontay gobollada Togdheer, Awdal, Saaxil iyo laba degmo  doorasho oo   kala ahaa Gabiley iyo Balligubadle. Sabtida todobaadka soo socda oo   ayaa la sheegay in ay ka bilaabmayso  diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha   degmooyinka Caasimadda Hargeysa iyo degmada Salaxley oo ka tirsan gobolka Maroodijeex, sida ay hore u qorsheeyeen komishanka doorashooyinku.
Maamulka  gobolka Maroodijeex ayaa   maalmihii ugu dambeeyay ku hawlanaa u diyaar gawga diiwaangelinta codbixiyeyaasha gobolka Maroodijeex isla markaana dadka ku wacyi galinayay in ay is diiwaangeliyaan oo ay si nabad gelyo ah uga qayb qaataan diiwaangelinta codbixiyeyaasha.
Sida uu sheegay Xoghayaha gobolka Maroodijeex Xamse Ciise Cabdi oo shalay xafiiskiisa ugu warramay wargeyska DAWAN,  waxaanu  sheegay in ay u diyaar garoobeen diiwaan-galinta Codbixiyeyaasha isla markaana dadwaynaha gobolka Maroodijeex ay aad u soo dhawaynayaan qaadashada kaadhka codbixiyaha.
“Diiwaan-gelinta codbixiyeyaashu gobolka   Maroodijeex waxay ka bilaabmaysaa maalinta Sabtida ee 02/04/2016,ka. Si weyna waa loogu diyaar garoobay dadkuna way wacyi gashan yihiin oo maanta(shalay) waxaanu kala dirnay cuqaashii kala shaqaynaysay diiwaangalinta codbixiyeyaasha gudiga doorashooyinka ee goobaha joogayay.
 
Waxa  kale oo aanu samaynay wacyi galin balaadhan oo dadka aanu ku wacyi galinayno in ay is diiwaan galiyaan isla markana  nabad gelyada ilaaliyaan taasina si wanaagsan ayay noogu socotaa wax dhibaato ah oo ka taagan ama caqabad jirtana ma ogin,markaa gobolka si wanaagsan ayay uga bilaabmaysaa diiwaan galinta codbixiyeyaashu.”
Xoghaye Xamse oo ka hadlayay  tirada goobaha Caasimadda Hargeysa iyo Guud ahaan inta goobood ee Gobolka Maroodijeex ah ee ay diiwaan galinta Codbixiyeyaashu ka bilaabmayso, waxa uu yidhi   “Tirada guud ee diiwaan galinta Codbixiyeyaashu ay ka qabsoomayso gobolka Maroodijeex waa laba degmo doorasho oo kala ah Hargeysa iyo Salaxlay. Laba degmo doorasho oo gobolka ka mdi ahna hore ayay uga soo qabsoontay oo kala ah Gabilay iyo Balli Gubadle.” Waxaanu intaasi ku daray “Markaa degmada Salaxlay waa 27 goobood. Gudaha Caasimadda Hargeysina waa 55 goobood waxaa kale oo degmda Hargeysa hoos imanayana oo aan degmo doorasho ahayn degmooyinka Cadaadlay 11 goobood. Daarasalaam 9 goobood.,Sabawanaag27 goobood.,Laasgeel 11 goobood. iyo Farowayne. Oo ah 27 goobood.
Markaa guud ahaan waxaan ku rejowaynayahay in ay si wanaagsan noogu soo dhamaato waxaanan bulshada ku dar daarayaa in ay nabad gelyo isku diiwaan galiyaan oo ay qaataan kaadhka codbixiyaha” ayuu yidhi xoghayaha gobolka Maroodijeex.Waxa kale oo uu sheegay in ay diyaariyeen cuqaashii kala shaqayn lahayd guddiga doorashooyinka diiwaan galinta Codbixiyeyaasha isla markaana dadka aad ugu baraarujiyeen in ay is diiwaan galiyaan.Waxaanu intaas ku daray in gobolka Maroodijeex uu yahay gobolka ugu dadka badan isla markaana dadkiisu ay diyaar u yihiin in ay is diiwaan galiyaan. Isagoo meesha ka saaray in ay jirto dad yaraan iyo in dadka Maroodijeex ay iska soo diiwaan galiyeen gobolada kale.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply