Mucaawimo Loogu Tallo-galay Dadka Abaaruhu Hayaan Oo La Gaadhsiiyay Raydab-khaatumo

0
417

Raydab-khaatumo(Dawan):-  Guddoomiyaha Degmada Raydab-Khaatumo  oo ka tirsan gobolka Daad-madheedh  Khadar Gaaxnuug Koosaar,  ayaa ka war bixiyay  taakulayn gurmadka abaaraha ee ilaa hadda   ay Xukuumadda Somaliland  gaadhsiisay degmada Raydab-Khaatumo iyo deegaanada hoos yimaadda.
Waxa  kale oo uu ka hadlay guddoomiyaha Raydal-khaatumo  biyo yaraan soo food saartay degaanka iyo dhuxulaysi si sharci darro ah dhirta loogu  shidayo  oo ay ka maamul ahaan  dagaal kula jiraan sidii wax looga qaban lahaa arrintaasi. Guddoomiye Khadar  Gaaxnuur,  oo xalay khadka telefoonka ugu  waramay Wargeyska DAWAN  isagoo ku sugan degmada Raydab-Khaatumo waxa   uu sheegay in dhibaatada ugu weyn  ee degmada ka taagan  in ay tahay ciidan la’aan  iyo  gaadiid la’aan  haysata isla markaana wax badan oo ay  ka qaban lahaayeen ka hortagga dhuxulaysiga iyo nabaad guurka aanay waxba ka qaban Karin gaadiid la’aanta iyo ciidan la’aanyta haysata awgeed.
 
Khadar Gaaxnuug Koosaar, oo ka hadlayay taakuladda ilaa hadda soo gaadhay waxa uu yidhi “Wasiirudawlaha  wasaaradda  maaliyadda  iyo xubno ka mid ah Gudiga abaaraha ee heer qaran ayaa na  soo gaadhsiiyay taakulayn gurmadka abaaraha ah oo aad loogu baahnaa,  waxaanay noo keeneen raashin gaadhaya  220 qoys.
 
Raashinkaas  oo aanu  u kala qaybinay degmada Raydab-Khaatumo iyo tuulooyinka Daba-gorayaale Gocon-dhaale  iyo Maxamuud Caddaani.  Raashinkaasina  wuxuu isugu jiray Bariis, Sonkor, Saliid,  Caano iyo daqiiq.  Si wanaagsanna waanu ugu qaybinay 220 qoys,  oo degaamadaa ku dhaqan. Waxaanan Xukuumadda uga mahad naqaynaa sida wanaagsan ee ay ugu soo gurmatay dadkeeda jilicda san.”
Mar uu ka hadlayay baahiyaha ugu way nee degmada ka jira waxaa u sheegay in ay tahay gaadiid la,aan iyo boolis la,aan waxaanu yidhi. “Degmadu ciidan booliis ma laha oo laba askari oo kaliya ayaa noo jooga wax gaadiid ahan maba lihin mid ciidan iyo mid maamul toona ma haysano,waxyaabaha noogu daran waxaa ka mid ah dhuxulaysi sharci darro ah oo deegaanka  ka jira waxaanu kaga hor tagnaa dadka deegaanka ayaanu kaashanaa oo aanu isku dhan ka wada nahay ilaalinta deegaanka iyo ka hor tagga dhuxulaysiga. Magaaladu waxay leedahay saldhig booliis oo laba qol ah labadii qolna cid ku shaqaysa ma hayno.” Mar  uu ka hadlayay dhibaatadda ka haysata dhinacyadda nabadgeliyadda iyo dhuxulaysiga, waxa uu yidhi  “Marka  ay agtaada wax ka dhacaan ama dhibaato ka jirto way ku saamaynaysaa markaa markii dilku ka dhacay magaalada Daalaco waxaanu si wada jir ah uga wada hawl galay degmadayada Raydab-Khaatumo iyo degmada Xaaji Saalax iyo Maamulka Gobolka Daad Madheedh si aanay dhibaatada halkaa ka dhacday arrin nabad gelyo darro noogu keenin ama aanay dadkii dhibta geystay aanay dhankan ugu soo tallaabin.
 
Waxa  kale oo aanau wada shaqayn ka yeelanay  maamulka degmada Gaashaamo ee kililka Shanaad arrintaasina Daalaco ayay imika odayaashii wada joogaan nimankii dilka geystayna waa  la qabtay markaa dadka deegaanka iyo  masuuliyiin ahaan ayaanu wada jir u wada hawl gallaa laakiin baahi ciidan iyo mid  gaadiidba way jirtaa Xukuumaddana waanu gaadhsiinay waanan ka war sugaynaa.”
Ugu dambayn   Guddoomiye Khadar  ayaa baaq u diray Qurba joogga degmada u dhashay oo uu ku booriyya in ay degmada horumarinteeda ka shaqeeyaan isla markaana gurmad taakulayn ah ay la soo gaadhaan dadkooda abaartu hayso.
 
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply