Nin Xalay Lagu Toogtay Deegaanka Kalshaale

0
408

Hargeysa(Dawan):-Waxa xalay dablay hubaysani ay toogasho ku dhaawaceen  Faarax Axmed (Kama Dage) deegaanka lagu magacaabo  Maskax-buqle oo ka tirsan aagga Kalshaalle, Sida uu noo xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Qori-lugud.Maxamed Cumar Faarax.
Ninkan la dhaawacay   ayuu Guddoomiyaha Qori-lugud sheegay in uu ahaa nin reer miyi ah oo xoolo dhaqato ah isla markaana la toogtay xilli uu xalay geeliisa soo carraabinayay.
Waxaa kale oo uu guddoomiye Maxamed Cumar intaa ku daray in aanay illaa hadda aqoonsan sababta loo beegsaday Faarax Kama Dage oo rasaas  madaxa lagaga dhuftay oo uu sheegay in uu xaalad miyir la’aan ah ku jiro (Kooma isla markaana lagu dawaynayo xanaanada degmada Qori-lugud, hase yeeshee saacad ka diba loo soo qaaday dhinaca magaaladda Burco.
Guddoomiyaha Degmada Qorilugud waxa uu intaas ku daray  in ay u malaynayaan in toogashadaa  ay geysteen kooxda nabad diidka ah ee ku dhuumaalaysata aagga Buuhoodle.
Maxamed Cumar, waxa uu xusay  in dhibanaha  la  toogtay   uu ahaa nin xoolo dhaqto ah oo aan wax colaad ah ku jirin isla markaana aanay ogayn cid uu godob ka galay.
Muddooyinkii dambe waxaa magaalada Buuhoodle ku sugnaa dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh oo doonaya  in uu iska hor keeno dadka reer Somaliland ee walaalaha ah oo uu colaad kala dhex dhigo isla markaana dagaal ka dhex alooso dadka ood-wadaagta ah ee Buuhoodle iyo Qorilugud.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply