Shirweyne Ku Saabsan Horumarinta Dhaqaalaha Iyo Kasbashadda Maal-gashiga Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
320

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga  Jamhuuriyadda Somaliland  Mr. Xuseen Aadan Cigge Xuseen (Deyr) ayaa shirweyne lagu fallanqeynayey hanaanka horumarinta dhaqaalaha Somaliland, iyo qaababka lagu heli karo maalgashi caalami ah ka furay magaalada Hargeysa.
Shirweynahan oo noqonaya kii lixaad ee noociisa lagu qabto dalka, soona qaban-qaabiyeen Wasaarada Ganacsiga iyo Rugta Ganacsiga, kana soo qeyb-galeen xubno ka socday ganacsatada dalka ayuu maalgeliyey Baanka Adduunku iyo hay’adda DANIDA.
 
Wasiirka Ganacsiga iyo  Maalgashiga Mr. Xuseen (Deyr) oo kulanka firitaanka shirweynaha ka hadlay, isla markaana  faahfaahin ka bixiyey ujeedadiisa,waxaanu yidhi “Waxaan maanta (shalay) noo furmay shirkii lixaad ee horumarinta dhaqaalaha dalka oo lagaga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha dalka iyo sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa hay’adaha dawliga ah iyo hay’adaha madaxa-banaan ugana wada tashan lahaayeen horumarinta iyo  kobcinta  dhaqaalaha  dalka.”
 
Wasiir  Xuseen Deyr oo ka hadlayey hanaanka lagu horumarin karo dhaqaalaha dalka, isla markaana lagu heli karo maalgashiga. “Dhaqaalaha dalkeennu wuxuu u baahan yahay horumar ka  wada dhaxeeya xukuumadda iyo ganacsiga gaarka ah, waxa kale oo horumarka dhaqaalaha dalku ku xidhan yahay  in la helo maalgashi caalami ah, maalgashiguna waxa uu ku xidhan yahay  in la helo shuruuc  u sahli karta  maalgashadaha  in uu ku soo dhiirado dalka oo uu aamino,” Ayuu yidhi, Wasiirka Ganacsigu.
 
 
 
Agaasimaha waaxda qorshaynta ee Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cawaalle, oo kulankaa ka hadlay ayaa sheegay inuu muhiim u yahay dhaqaalaha dalka, waxaanu yidhi “Waxa farxad noo ah inuu shirka inoo furo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashigu, shirkani waxa uu kaga duwan yahay shirarkii hore in la isku keeno dadka ka shaqeeya ganacsiga, waxaana ay muhiimad  u tahay in la fahmo horumarinta dhaqaalaha dalka.”
 
Shirkan oo shalay la soo gebagebeeyey ayaa la filayaa in go’aamada iyo tallooyinka ka soo baxa waxtar u yeelan doonaan horumarinta dhaqaalaha Somaliland.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply