Xukuumadda Oo Fulisay Qorshe Lagu Quudinayo Dadka Abaaruhu Tabaaleeyeen Jiida Gobolka Salel

0
445

Geerisa (Dawan): Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa  shalay  Mucaawimo isugu jirta Cuntooyin fudud, Biyo iyo Daawo gaadhsiiyey  qoysas tiro badan  oo ay abaartu ku saameysay duleedka degaanka Geerisa oo dhacda soohdinta gobolada Salel iyo Awdal ee  galbeedka Somaliland.
Weftigan oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran cadde, xubnona  ay ka yihiin wasiirrada  wasaaradaha  Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, wasiir ku-xigeenka   Caafimaadka, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha, xubno ka mid ah guddida Abaaraha ee Qaranka.
Saraakiil   ka socda laamaha dawladda, ayaa maanta Mucaawimo isugu jirta Cuntooyin fudud, Biyo iyo Daawo gaadhsiiyey  qoysas tiro badan  oo ay abaartu ku saameysay duleedka  degaanka Geerisa oo dhacda soohdinta woqooyi  ee Gobolada Salel iyo Awdal.Dadkan oo ah  qoysas Xoolo dhaqato ahaan jiray oo ay duunyadii   badankoodii kaga baxday abaarta,   isla markaana diifta iyo daranyada ay abaartu huwisay  darteed bacad yaal noqday, kuna teedsan dhamaan jihooyinka  degaanka Geerisa, ayaa waxay  intii qaybinta Taakuladda lagu gudo jiray   barbar socotay xaqiiqo raadin weftigu ugu kuur-gelayeen Xaalada dadkaasi iyo baahiyahooda ugu daran xilligan.Degaamada weftigu gelinkii hore ee  shalay  ka bilaabay  waxa kamid ah   Beeyo galaad iyo naaxigeedka oo dhowr goobood boqolaal Qoys loogu qaybiyey Biyo iyo Cuntooyin, halka kuwo xaalad caafimaad daro lagula kulmay  ay u fidiyeen gurmad deg deg ah oo caafimaad.
Wasiirka Arrimaha Cali Maxamed Warancadde, oo warbaahinta la hadlay  kadib markii  gurmadka raashin qaybinta ah  dhamaaday  ayaa ka warbixiyey waxyaabaha ay ku soo arkeen  degaamadan, taakulada ay qaybiyeen, qorshaha xukuumad ahaan uga yaalla samo-bixinta qoysaskan iyo arrimo kale. Waxaanu  sheegay inay dawladdu gurmad intii karaankeeda ah u fidin doonto Qoysaskan reer Guuraaga ah.  “Xukuumaddu waxay ku dedaalaysaa inay intii karaankeeda ah u gurmato dadkaas. Waxaan  ku baaqayaa in la joojiyo dhamaanba  horumarka oo dhan oo laga wada qayb-qaato hawshan culus ee gurmadka ah” ayuu yidhi  wasiir Waran-cadde.
Cali Waran cadde, waxa kale oo uu baaq u  diray  qaybaha kala duwan ee  bulshada Somaliland iyo beesha caalamka, kuwaasoo uu ugu baaqay inay kaalmo bani-aadannimo oo deg deg ah la soo gaadhaan.Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, ayaa  waxay deegaankan  Geerisa ku sii sugnaan doonaan dhowr maalmood oo dambe, iyadoo la filayo inay soo gaadhaan Mucaawimooyin kale oo Miisaan leh, taasoo  loo qaybin doono dadka ku tabaalaysan jiidaas. Dhinaca kale, xubno ka mid ah Hooyooyin dusha ku siday carruur aad u yar yar oo bilihii la soo dhaafay dhashay, kuwaasoo ay ka muuqatay nafaqo daro iyo tabcaan badani, ayaa weftiga u sheegay inay caydh iyo cado nool noqdeen Bulshada jiidan ku dhaqan.
“Xoolihii way dhamaadeen, dadkuna waxba lama noola, dawladdu hadday noo soo gurmatay waxaanu leenahay baahidayadu maanta waa mid culus oo dad dhintay ayuunbaan iminka la aasin, dadkuse waa liitaa” sidaas waxaa sheegay mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka Beenyo Gaalaad. Waxay intaas ku dareen dadka deegaanka Taakulada la gaadhsiiyey, in halista ugu daran ay soo foodsaartay dadka maatada ah ee Jilicsan, sida Haweenka iyo Carruurta. “raashin iminka haddaad I siisaan waxaan ku qaato ma haysto, gaadiid la’aan darteed”ayey tidhi haweenay Ilmo yar dhabarka ku siday oo aad u tabaalaysnayd, taasoo welwel ka muujisay mustaqbalka nololeed ee bulshada halkan ku dhaqan. Dhammaan baahiyaha daruuriyaadka aasaasiga ah, ayey sheegeen inay u baahan yihiin, sida Biyo, Cunto iyo Caafimaad. Kuwo kale oo kamid ahina waxay dalabkooda ku dareen in gurmad gaadiid lagu caawiyo, si ay cagahooda ugaga cararaan abaarta ku habsatay.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply