Kalluunka Oo Door Muhiim Ka Qaata Caafimaadka Wadnaha

0
358

Xarunta ka hortaga wadne ee dalka Ingiriiska (British Heart Foundation) ayaa sheegtay in cunitaanka kalluunku ay hoos u dhigto khatarta cudurrada ku dhaca wadnaha, waxaanu kor u qaadaa fursadaha badaadiya wadne istaaga. Sidoo  kale waxa uu hoos u dhigaa heerka subaga dhiiga. Waxa kale oo ay saliidda kalluunka la aaminsan yahay inay xidh-xidhnaanta dhiiga, taasoo sababi karta khatar ku timaada shaqada wadnaha.
Waxa uu caawiyaa maskaxda iyo shaqadeeda Duxda laga helo saliidda kalluunku waxay ka hor tagtaa khatarta ama dhaawaca ku yimaada unugyada maskaxda. Isticmaalka kalluunku waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dhiig-karka, taasoo xidhiidh la leh inay si fiican u shaqayn waydo maskaxdu.
Daraasad Faransiiska laga sameeyay dad gaadhaya 2000 oo qof waxay soo saartay in dadka cuna cuntada badda todobaadkii hal mar inay faa’iido u leedahay hoos u dhiga xanuunnada maskaxda saameeya, marka loo eego dadka aan cunin kalluunka muddo todoba sanno ah.
Waxa uu kalluunku la dagaalamaa xanuunka Kansarka Daraasad laga sameeyay 6000 oo qof oo rag ah muddo sodon sanno ah waxay iyaduna soo saartay in qofka aan cunin kalluun oo uu halis u yahay kansarka ku dhaca qanjidhada, marka loo eego qofka si caadi ah u isticmaalka kalluunka noocyadiisa kala duwan.
Cunitaanka kalluunku waxa uu hoos u dhigaa warwarka Waxay warbixinuhu sheegaan in isticmaalka kalluunku uu hoos u dhigo warwarka.
Sidoo kale waxa la aaminsan yahay inuu kor u qaado waxlaha ay u baahan tahay shaqada maskaxdu.
Waxa uu ka hortagaa xanuunnada madaxa saameeya Bulshada cunta kalluunku waxay ka badbaadaan xanuunnnada ku dhaca madaxa, sida xumadda badan, dhan-jafka iyo dawakhaada.
Waxa uu u Fiican yahay dubka jidhka Marka loo eego daraasado badan oo laga sameeyay meelo kala duwan oo caalamka ah kalluunka, gaar ahaan cunitaanka noociisa loo yaqaan salmon waxa uu caawiyaa dubka jidhka bani’aadamka, isla markaana waxa uu ka ilaaliyaa coodh-coodhka.
Noocyada kalluunka ee ugu faa’iidada badan waxa ka mid ah:
Kalluunka Cad, waxaana ku badan macdanaha iyo barotiinada hoos u dhiga subaga dhiiga.
Saliidda noocyada kalluunka, sida sardines, pilchards, salmon and mackerel, waxay leeyihiin duxda omega-3 oo faa’iido badan leh.
Kalluunka Crab, lobster and mussels waxay la dagaalamaan xanuunka Kansarka.
 
 

Leave a Reply