Waa Maxay Xuquuqda Daabacadda?

0
360

Markii ay kordheen daabacadda noocyada kala duwan ee buugaagta xambaarsan mawaadiicda kala duwan qaaradda Yurub sanadkii 1436, ayay curatay fikradda ah xuquuqda daabacaadda (Copy right).
Markii madbacadii Gutenber printing press ay bilaabantay, buugaagta lagu daabacay Yurub oo kumanaan ahayd ayaa mar keliya gaadhay malaayiin buug.
Koritaankaasi baaxadda leh oo ay la socotay fursado dhaqaale ayaa muujiyay in baahi degdeg ah loo qabo ilaalinta xuquuqda qoraaga iyo xuquuqda daabacaha baahinaya. Kuwaasi oo xaq u leh in looga ilaaliyo budhacadda qoraalada iyo suugaanta xada.
Sharciga ilaalinta xuquuqda daabacadda (Copy right) ee ugu horeeyay dunida waxa London lagu ansixiyay sanadkii 1710 kaasi oo si cad u sugay xuquuqda qorayaasha iyo hal abuurada, iyadoo Maraykanka la ansixiyay 1790.
 
Sharciga copyright ugu horeysay adduunka ee Statute of Anne, ayaa lagu ansixiyay England 1710 si loo sugo xuquuqda qorayaasha iyo hal abuurrada. Tani ayaa fududaysay in buugaag badan la soo saaro kuwaasi oo qiimo jaban gudaha iyo debedda loogu gudbiyay. Waxaana ay ahayd arrin kor loogu qaaday looguna dhiirgeliyay qorayaasha iyo hal abuurada.
Waxa iyana xusid mudan nidaamkii caalamiga ahaa ee ilaalinta xuquuqda daabacadda iyo hal abuuradda ee uu curiyay Berne Convention sanadkii 1887 , kaasi oo isna si weyn u muujiyay ilaalinta xuquuqdaasi isla markaana. Dawladaha Yurub iyo kuwa dunida kale ayaa xubno ka ah ururada ilaalinta xuquuqda daabcadda iyo hal abuurida.
 
Wakhtigan oo ay horumar balaadhan samaysay tiknooliyadda casriga ah ayaa iyana noqotay wakhi si  fudud loo kala xadayo qoraalada iyo suugaanta codka ah. Waxaana wakhtigan loo baahan yahay inuu noqdo wakhtigii loogu baahida badnaa xuquuqdaasi (Copy right) si loo dhiirgeliyo qorayaasha iyo hal abuurayaash. Kuwa iyana si fudud u qaadnaya waa inay ogaadaann inay tahay tuugo qoraal oo la mid ah tuugada badeecooyinka iwm.
 

Leave a Reply