Wasiir Xisbiga Waddani Ku Dhaliilay Diidmada Ay Ku kaliyaysteen Ee Hakinta Diwaan Gelinta

0
272

Hargeysa (Dawan)- Wasiiru dawlaha wasaarada xanaanada xoolaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Cabdirashiid Riyo-raac ayaa ku dhaliilay xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI  go’aankii ay ku diideen hakinta diwaan-gelinta codbixiyayaasha doorashada ee ka socota gobollada dalka qaarkood.
 
Cabdirashiid Riyo-raac, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu nasiib-darro ku tilmaamay in xisbiga Waddani uu ka soo hor jeesto go’aanka qaran ee la iskula afgartay in muddo hakad la galiyo hawsha diwaan-gelinta, si gurmad loo gaadhsiiyo dadka ay abarruhu saameeyeen.
 
“Maanta dhibaato ayaa dalka ka jirta, taas oo caam yeeshay guud ahaan dalka, oo aan cidddina ka bixin, markaa in ay maanta yidhaahdaan xibsiga Waddani waxaan isleeyahay fikir sax ah maaha,”ayuu yidhi Wasiiru-dawluhu, waxaanu intaasi ku daray “Sababtu waxa weeye, haddii dadka iyo duunyaduba madhaan cid doorashaba loo qabto la garan maayo, waxa jira wax dastuurkeennu ka hadlayo oo ku saabsan waxyaabaha jira sida gurmad meel walba laga sameeyo, waxa la yaab leh xisbiga Waddani waxa uu ogolaa iyada oo aan dhibaato jirin, oo aanay abaaro taagnayn in la kordhiyo, ayay ogolaadeen in sannad la kordhiyo, markaa maanta ciddina ka garowsan mayso bil la hakiyey diwaan gelinta oo aan doorasho dib u dhigayn oo abaar iyo dhibaato keentay ayaan diidaynaa ciddina ka yeeli mayso.”
 
Mr. Cabdirashiid Riyo-raac, waxa kale oo uu ka hadlay sababihii ay xisbiga Waddani uga tageen isaga iyo masuuliyiin hore iskaga casiley xisbigaasi, isaga oo sheegay in waxyaabihii ay uga tageen ay ka mid ahayd arrimaha maanta taagan ee ay kow ka tahay muddo kordhintu.
 
“Arrin kalena laga garowsan maayo haddii qaranku isku yimaado oo tallo qaran yeesho, waxaynu ognahay in labadii gole baarlamaan ay joogeen, Komishankii ayaa joogay, golahii xukuumadda ayaa joogay, markaa saddexdii xisbi qaran ayaa joogey dee meel ka saraysa oo go’aan lagu gaadhay ma jirto, intaas ayaa madaxweynahu iskugu yeedhay, meel ka saraysa oo go’aan lagu gaadho may jirin, kaligood baanay ka hor yimaadeen,” ayuu yidhi Wasiiru dawlaha  xanaanada xooluhu.
 
Cabdirashiid Riyo-raac, waxa kale oo uu intaasi raaciyay “Markaa anigu waxaan isleeyahay, si fudud ayay ku dhaaftey, may ahayn wax ay ku gar helayaan xisbiga Waddani, runtii anigu uma arko in ay tallaabo wanaagsan qaadeen, maanta may ahayn maalintii doorasho, doorasho maanta maba jirto, waa diwaan gelin, diwaan gelintana bil baa la hakiyey, muddo dheerna waa la haystaa, markaa in diwaan galin maanta laga horeysiiyo dhimashada dadka waxa aan leeyahay muddo bil ah ma wanaagsana, markaa Waddanina waxaan leenahay markii hore dhib may ahaynoo waa tii la kordhinayee, dee annaga laftigayagu asbaabahii xisbiga laftiisa burburku ugu yimid bey ahayd.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply