Xeer Tusmaynaya Awoodaha Xafiiska Hanti-dhawraha Guud Oo La Horgeeyay Aqalka Wakiiladda

0
281

Hargeysa (Dawan) – Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud Dheere) ayaa shalay horgeeyay golaha wakiilada Somaliland qabyo qoraalka xeer cusub oo ka sal balaadhan kii hore ee ay hay’addaasi ku shaqayn jirtay.
Maxamuud Dheere  waxa uu golaha wakiilada ugu baaqay in ay xeerkan waajibkooda ka gutaan, sidoo kalena waxa  uu xildhibaanada golaha wakiilada u sharaxay baahida dalkeennu u qabo xeerkan cusub iyo waxyaabaha uu ka tari doono dhawrida hantida qaranka.  “Xeerkani waxa uu ka kooban yahay 71 qoddob, xeerkani waxa uu si cad u tilmaamayaa awoodaha hay’adda hanti-dhawrka qaranka, sida shaqada uu xafiiskani bulshadda u hayo iyo baadhitaanada uu samayn doono.Xeerkani waxa uu si faah-faahsan u sharaxayaa miisaaniyadda qaranka iyo sida loo isticmaalayo, arrintaas ayuu xeerkani ka hadlayaa sidii loo baadhi lahaa ama loo dabo gali lahaa, in sidii qorshuhu ahaa u fulay iyo in kale,”ayuu yidhi Hanti-dhawraha guud.
Md. Maxamuud Dheere mar uu ka hadlayay waxa uu xeerkani kaga duwan yahay kii hore waxa uu yidhi “Xeerkani waxa uu sharaxaad dheeraad ah ka bixinayaa arrimo badan oo xeerkii hore aan ku jirin, ama aan si xeel dheer ugu qornayn, kuwaas oo ay ka mid yihiin arrimaha la xidhhidha lunsiga hantida qaranka.”
“Haddii xeerkan cusub la meel mariyo waxa uu dalkeennu ka mid noqonayaa dalalka ay ka jiraan ama la aqoonsan yahay sida ay u shaqeeyaan hay’addahooda hanti dhawku,” Ayuu ydihi  Hanti dhawraha guud ee qaranka Somaliland  Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (Maxamuud Dheere) mar uu ka hadlayay haddii xeerkan la meel mariyo waxtarka uu qaranka Somaliland u yeelan doono.
 
Qabyo qoraalka xeerkan oo isla fadhigaas lagu qeybiyay golaha wakiilada ayaa waxa la filayaa in xildhibaanada golaha wakiiladu dood iyo lafo-gur ku samayn doonaan. Waxaana Hanti-dhawraga guud ee qaranka kulankaas uu la yeeshay xildhibaanaa golaha wakiilada Somalialnd ku wehelinaayay qaar ka mida madax qaybeedyada hay’adda hanta dhawrka qaranka.
Dawannews Haregysa office

Leave a Reply