Khubarro Maraykan Ah Oo Ikhtiraacay Robot Sida Shimbiraha U Duulaya, Sida Cayayaankana U Gur Guuran Kara

0
385

Khubaro Engineers u badan oo u dhalatay wadanka Ingiriiska ayaa ku guulaystay inay sameeyaan Robot u dhaqmaaya habab kala duwan,gaar ahaana hababka shimbiraha iyo sidoo kalena sida Cayayaanka oo kale.
Qalabkan cusub ayaa awood u leh inuu duulo ,sidoo kalena waxa uu awoodaa inuu sida cayayaanka gurguurto,waxaana lagu magcaabaa Robotkaasi Skamb,waxaanu lee yahay baalal loogu talo galay inuu ku duulo iyo sidoo kalena lugo uu ku gurguuran karo.
Robot kan ayaa sidoo kalena awood u leh inuu gidaarada si fudud u fuulo,isaga oo dhanka kalena si fudud uga boodi kara gidaaradaasi.
Ninka lahaa ikhtiraaca ama fikirka qalabkan oo lagu magcaabo Paul Morgan ayaa sheegay in uu qalabkan Robot-ku awoodo inuu socodka si toosa u socdo,isaga oo markasta oo uu ka khaldamo saxan kara,waxa kale oo uu sheegay inuu inuu bed bedeli karo qaabkiisa.
Shirkadda samaysay qalabkan ayaa sheegtay in ay khubaradani ka fikirayeen muddo dheer sidii ay u samayn lahaayeen qalabkaasi,iyaga oo muddo siiyey sidii ay uga fikiri lahaayeen habka uu u soconaayo iyo habka uu u duulaayo labadaba.
Qaabka uu u samaysan yahay oo ah mid fudud culays badana aan lahayn ayaa ah ka u saamaxay inuu duulo,waxaanay weli khubarada samaysay ku mashquulsan yihiin sidii u u noqon lahaa mid si wanaagsan u socda.
Qalabyada noocan ah ayaa bilihii lasoo dhaafay ahaa kuwo soo badanaayey ,waxaana dhowaan lasoo saaay Robot yar oo awoodu leh inuu gawaadhida jiido,sidoo kalena waxa lasoo saaray diyaarad in muddo ah ku jiri karta biyaha hoostooda.

Leave a Reply