Qiso:Khaladkaaga Ayaa Marar Badan Si Kale Kuugu Muuqda

0
322

Lamaane wada joogay ayaa ka guuray gurigii ay degenaayeen iyagoo u  guuray mid kale. Subixii maalintii koowaad ayay gabadhu muraayada jaarka ka eegtay waxayna odaygeed ku tidhi “ Reerkan dharka ay wadheen waa wada uskag , maxay u nadiifin waayeen, miyaanay maydhista aqoon”. Sidaas ayay gabadhu marka muraayada ku began ka eegtaba ay aad ula yaabtaa maryaha uskaga ee ay wadheen. Subaxii danbe ayay eegtay waxayna aragtay iyagoo dharkii nadiif ah markaasi ayay tidhi ninkeeda “ Hadda ayay barteen sida wax loo maydho “.
Subaxaasi ninkeeda oo arinka aad u fahansaa ayaa goor hore kacay oo nadiifiyay daaqadii muraayada ahayd ee ay ka eegi jirtay. Waxaana sababtu ahayd daaqada ay ka eegaysay ayaa wasakh iyo uskaga lahayd, taasi ayay mar kasta u qaadan jirtay inay dharkooda tahay. Ninkeeda ayaa u sheegay inay arintu ahayd uskaga daaqadda ee aanay ahayn dharka. Sidaasi ayaynu marar badan khalad aan inagu leenahay dadka kale ugu riixnaa. Ogowna qofka dadka daba gala murugo ayuu ku dambeeya.

Leave a Reply