12 Faa’iido Oo Ay Liintu Leedahay Oo Daaha Laga Qaaday

0
314

Daraasad dhowaan lasoo saaray ayaa lagu sheegay in la helay faa’iidooyin dheeraada oo ay lee dahay liintu,taas oo hore loo ogaa inay lee dahay faa’idooyin badan,gaar ahaana maadada loo yaqaano Vitamin C-da oo aad ugu badan.
Liinta ayaa sidoo kalena la ogaaday inay aad u xoojiso difaaca jidhka iyo inay jidhka ka nadiifiso dhamaan wixii sun ah ee ku jira,taas oo iyaduna faa’iidooyin u ah dadka,waxaana la shaqayn badan la lee dahay beerka.
Waxa kale oo la ogaaday in laga heli karo faa’iidooyin kale oo ay kamid yihiin in ay ku jiraan maadooyinka Flavonoids-ka loo yaqaano,maadada Potassium  iyo Vitamin B6,iyada oo ay sidoo kale jirto saliid laga sameeyo liinta oo lagaga hortago Cancer-ka xanuunka loo yaqaano.
Warbixin lagu daabacay wargeyska Health Food Star oo uu kasoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in ay liintu disho Bacteria aad u badan oo jidhka dhib ku keenta haday soo gasho,waxaanay ku sheegeen waxyaalahaasi kuwii hore loo ogaa faa’ido ahaan.
Haddaba waxyaalaha cusub ee faa’iidooyinka ah oo dhowaan daraasada lagu ogaaday ayaa ka kooban ilaa 12 xanuun oo ay ka hortagto liintu,kuwaas oo ah kuwa dadka ku badan,waxaanay kala yihiin.
Xiiqda oo ay daweyso ama ka hortagto marka subaxdii lagu quraacdo liinta oo laga sameeyey sharaab,jilbo iyo lugo xanuunka oo ay iyagana daweyso kana hortago,xanuunka Kalooraha loo yaqaano,Durayga,Calool Istaaga,Dheefshiidka oo ay isna hagaajiso,Socodka oo ay fududayso,Yalaalugada oo ay bi’iso,Acid-dha caloosha oo ay dejiso,gaar ahaana marka qofku lee yahay xanuunka Gaasta,Jidhka oo ay qoyso,Cunaha oo qofka xanuuna isna way ka dawaysaa,waxyaalahaas iyo kuwo kale ayay khubarada daraasadan samaysay sheegeen inay ka hortagto ama daweyso Liintu,iyaga oo soo jeediyey in lagu dedaalo isticmaalkeeda.
 
 

Leave a Reply