Rasuulka Allah (scw) ayuu u yimi nin reer miyi ahi isagoo Rasuulka wax ka doonaya. Rasuulka Allah (scw) ayaa siiyay oo ku yidhi maku wanaajiyay ? Ninkii reer miyiga ahaa ayaa yidhi maya imaad wanaajin. Saxaabadii Rasuulka (scw) ayaa cadhootay oo ku kacay. Rasuulkuna (scw) wuxu u sheegay inay faraha ka qaadan.
Rasuulka (scw) ayaa gurigiisa galay oo u soo kordhiyay. Markaasi ayuu haddana ku yidhi maku wanaajiyay.
Ninkii reer miyiga ahaa ayaa ku jawaabay haa Allah ha kaa abaalmariyo adiga iyo ehelkaagaba. Rasuulka (scw) ayaa ku yidhi wixii aad hore u tidhi, Asxaabtayda laabtooda wax baa kaga hadhsane haddii aad doonaysid ka hor dheh waxaan aad imika tidhi. Maalintii ku xigtay ayuu ninikii reer miyiga ahaa u yimi Rasuulka (scw) wuxuuna Rasuulku (scw) yidhi, ninkan reer miyigi ahi wixii uu yidhi, waan u kordhiyay waxaana uu ii sheegay inuu raali noqday. Waar soo sidaasi maaha. Ninkii ayaa yidhi haa adiga iyo ehelkaagaba Allah (sw) haka ablaamariyo .
Cadhadu waa dhuxul dab ah oo qalbiga aadmiga ku jirta sidaasi ayuu Rasuulka (scw) u barayay asxaabtiisa duqaadka iyo in aan la cadhoon. Rasuulkuna noloshiisa weligii ma aargoosan, iyadoo xurmada Allah lagu xadgubo oo Alla h u aargooyo mooyee.