Xamuuradaha Cidiyaha Oo La Cadeeyey Inay Caafimaadka Waxyeelaan

0
354

Cilmibaadhis dhanka caafimaadka ah oo ay dhowaan sameeyeen khubaro caafimaad ayaa lagu ogaaday dhibaatooyin badan oo ay caafimaadka u lee dahay Xamuurada ay dumarku cidiyaha marsadaan,taas oo cilmibaadhistaas lagu sheegay inay keento xanuuno halis ah.
Kooxdan caafimaadka ka hawlgasha ayaa u sheegay wargeyska Brigitte oo kasoo baxa wadanka Jarmalka in ay ogaadeen in marka cidiyaha la mariyo xamuurada ay keento in ay dahaadho maado ku dul dahaadhan cidida dusheeda oo ah Calcium,taas oo meesha loogu sameeyey inay ka hortagto xanuuno badan.
Xamuurada ayaa marka dambe la falgasha maadadaasi Calcium-ta ah,taas oo bedesha shaqadii maadadaasi,waxaana meesha kasoo baxa maado isku jir ah oo xanuuno horseedi karta sida daraasadaasi lagu sheegay.
Natiijada kasoo baxda maadadan iyo xamuurada ayaa keenta siday khabiiradani sheegeen xanuuno kaga dhaca qofka beerka,kaas oo keeni kara ugu dambayn dhimasho iyo qofka oo uu beerka xanuuno Kansarku ka mid yahay kaga dhaco.
Khubaradan ayaa sheegay in midabka xamuuradu yahay mid marwalba keeni kara xanuun gaara oo qofka kaga dhici kara meelo kala duwan,tusaale ahaan waxay sheegeen in hadii xamuuradu tahay mid huruud ah in ay keento in qofku xanuuno dhanka Sambabada ah ka qaado,sido kalena ay jidhka meelo kale ka samayn karto.
Culimadan caafimaadka ee daraasada samaysay ayaa daraasadooda ku sheegay in loo baahan yahay in laga taxadiro maadooyinkaasi Xamuuradaha loo yaqaano,kuwaas oo qofka caafimaadkiisa si fudud u galaafan kara,gaar ahaana dumarka.
 

Leave a Reply