Xarunta Dab Dhalinta Ee Caalamka Ugu Weyn Oo Ingiriiska Laga Hirgelinayo

0
282

Waxa wadanka Ingiriiska laga dhisayaa xarunta dab dhalinta ee caalamka ugu weyn,taas oo laga dhisaayo meesha lagu magcaabo Queen Elizabeth II ,taas oo .
Xaruntan ayaa lagu rakibay qalabka Solar-ka loo yaqaano.kuwaas oo tiro ahaan gaadhaaya 23,046,waxaana la dhigayaa dhul aad u balaadhan oo u dhow haradaasi Queen Elizabeth II,waxaana dhulkaasi gaadhayaa ilaa 57,500 square meters,iyada oo lagu sameeyey meel magaalada ka baxsan ,sidoo kalena aad u dheer joog ahaan,waxaana la arki karaa oo keliyaata haddii la safraayo iyo haddii la duulaayo ,gaar ahaana marka laga duulaayo madaarka Heathrow ee magaalada London.
Qalabkan dhigitaankiisa iyo samayntiisa waxa maalgelinaysa shirkadda Solar Energy Company,taas oo ku bixinaysa lacag dhan ilaa 6 million oo lacagta dalkaasi Ingiriiska ah,waxaana la qorsheeyey in muddo saddex bilood ah lagu dhameeyo mashruucaasi,iyada oo ay laydhka ka heli doonaan dad aad u badani,kuwaas oo gaadhaaya guryo ahaan ilaa 1,800 oo guri,iyada oo laydhka uu soo daynayaa ama soo gudbinayaana noqon doono 6.3 MW.
Waxa la yareeyey dhibaatada ay degaanka ku keeni karaan qaalbkani 10%,kuwaas oo laga fogeeyey degaanada magaalada u dhow,waxaana laga sameeyey Haro Beenaada Elizabeth.
Dalka Ingiriiska ayaa noqonayaa dalka waqtigan ugu isticmaalka badan dhanka qalabkaasi falaadhaha cad ceeda ka dhaliya dabka,iyada oo la filaayo in sidoo kalena Manchester laga sameeyo mashruucan oo kale,waxaanu kani noqon doonaa mashruucii ugu weynaa ee la sameeyo sannadkan.
Dhanka kalena wadanka Japan ayaa wada mashruuc kan oo kale ah ,kaas oo la filaayo in uu dhamaado sannadka 2018 ka,waxaana mashruucaasi noqon doonaa mid kor mara mashruucan Ingiriiska,isaga oo si walba uga weynaan doona mashruucan.
 

Leave a Reply