Waxyeelada Caaliliska Badan Ee Xanjada

0
304

Cilmi baadhis cusub ayaa daaha ka fayday in calaaskga xanjadu uu horseedo dhibaatooyin badan oo ay ka mid yihin:
In Haddii qofku joogteeyo calaashiga xanjada iyadoo markasta afka lagu hayo, waxay dhibaato ku keentaa ciradka.  Waxa kale oo ay sababtaa xanuun ku dhaca ilkaha , gaar ahaan muruqyada daanka iyo isgoysyada, iyadoo taasina sababta madax xanuun ku dhaca qofka.
Calaashiga joogtada ah ee Xanjadu  waxa kale oo uu keena inuu qofku mar kasta uu u baahdo raashin taasi oo ku keenaysa inuu miisaankiisu kordho.
Calaashiga xanjadu wuxuu keenaa xanuuno caloosha ku dhaca iyo barar, waxaana u sababaa, iyadoo uu qofku liqo hawo badan oo xad dhaaf ah marka uu calaashanayo, taasina ay waxyeelo gaadhsiiso Caloosha.  (Health and Nutrition Newspaper).

Leave a Reply