Qormooyinkii todobaadyadii hore waxaynu ku soo qaadanay Lo’da iyo sida ay caalamku uga faa,iidaysteen iyo sida aynaan uga midho dhalin khayraadka ku duugan iyo dhaqaalaha laga heli karo haddii la horumariyo dhaqashadeeda oo aynaan ku koobin oo keliya in inyar oo caano ah oo laga lisayna aynu ku caano diiqno dibidana la sugno xilliga ay iib gelayaan.
Qormadeena maanta iyo barnaamijka xoolahana waxaynu isku tusi doonaa waxtarka iyo faa.iidooyinka ay leeyihiin caanaha Geelu iyoo sida ay u noqon karaan il kale oo dhaqaale oo dalkeenu leeyaay una baahan in laga faa,iideeyo oo laga midho dhaliyo.
Maanta waxaa la gaadhay guud ahaan caalamka in dal ksataaba uu waxsoosaarkiisa in uu si yar oo fudud u horumarin karo dunida inteeda kalena la yeelan karo xidhiidh ganacsi oo wax soo saarkiisa uu gaarka u leeyahay ee dalalka kale u baahan yihiinna uu ka iibin karo.
Waxay Somaliland hodan ku tahay xoolaha nool oo imika u baahan in dib loo eego dhaqashadooda iyo in laga midho dhaliyo oo wax soo saarkoodu uu noqdo il ganacsi oo ay ka faa,ideeyaan ganacsadata dalka tijaarta u ahi in ay u dhaqaaqaan sidii ay dalka horumarkiisa uga qayb qaadan lahaayeen isla markaana waxyaabaha aynu haysano ay u maalgashan lahaayeen ee ay uga faa,iidayn lahaayen dhakastaba khayraadka aynu gaarka u leenahay.
Haddaba caanaha geela ayaa ah il dhaqaale oo muhiim ah isla markaana maanta caalamku wada ogyahay waxtarka iyo faa,iidooyinka caafimaad eek u jira.
Caanaha geela waxaa ku jira 3 laab Fiitamiin C-ga ku jira caanaha Lo’da, waxaa kaloo ku badan potassium, Phosphorus, zinc, iron,manganese, fiitamiino, minerals, iyo amino acids. Waxaa Caanaha geela ku jira 200 wax ka badan oo protein ah Sidoo kale caanaha geela waxaa ku jira antibiyootik dabiici ah taas oo ka ilaalineysa inay dhakhso u xumadaan, ama bakteeriya ku dhalato.
:Daaweynta Cudurka Macaanka: Caanaha geela waxay qani ku yihiin nafaqooyin, waxaa ka mid ah hoormoonka insulin oo ka kantaroosha sonkorta. joogtaynta Caanaha geela waxay xakameeyaan macaanka, waxay xal dabiici ah u noqon karaan dadka qaba macaanka, Waxaa dhacda in mararka looga maarmo cirbada insul-ta.
Difaaca Jidhka: caanaha geela waxaa ka buuxa borotin aad u badan, qaarka ka mid ah borotiinadaasi waxay qaabilsan yihiin inay jirka ka difaacaan jeermiska iyo xanuunada soo boodada ah. Caanaha geelu waxay xoojiyaan difaaca jirkeenna iyagoo naga ilaaliya dhibaatooyinka gudaha jirka iyo kuwa dibada.
Korriinka iyo Kobaca: caanaha geela waxaa ku badan borotiinka xoolaha, kaasoo u fiican koriinimada iyo tayaynta lafaha. Caanaha geelu waxay ugu horreeyaan cuntooyinka la siiyo dhallaanka iyo caruurta nafaqo darradu hayso sababtuna waa borootinka badan ee laga helo. Caanaha geelu waxay kobciyaan caafimaadka iyo fayowqabka.
Wareegga Dhiigga: caanaha geela waxaa ku badan birta (iron) oo u fiican ka hortagga dhiig-yarida, caanuhu geelu waxay muhiim u yihiin wareegga dhiiga iyo firfircoonida unugyada dhiigga. Caanuhu geelu waxay muhiim u yihiin hooyada umusha ah, qofka dhaawacma iyo caruurta ay nafaqo darradu hayso.
Dhakaakaha (Autism): Dhakaakuhu waa naafo muddo dheer la korta qofka oo saamaysa sida qofku ula hadlo iyo ula macaamilo dadka ku xeeran. Cilmi baarisyo la sameeyay ayaa lagu arkay in cabista caanaha geela oo la joogteeyo ay yareyso ama ay daaweyso cudurka dhakaakaha.
Xasaasiyada: Cabista caanaha geela oo la joogteeyo waxay u fiican tahay hoos u dhigidda xanuunada xasaasiyada ka dhasha sida sanboorka, neefta
Caanaha geella sida la xaqiijiyay waxaa ku jira, maaddooyin badan oo jidhka Bani-aadamka faa’iidooyin u leh, isla-markaana maaha mid halkan lagu soo koobi karo, lakiin haddii allaha awooda lihi ogolaado , waxaan isku dayeynaa inaan waxyar ka soo qaadano, Caanaha geela waxay leeyihiin waxtar weyn , oo aan la soo koobi karin, laakiin waxaan tilmaamaynaa qayb ka mid ah faa’idooyinkaas:-
Dheelitirka nafaqada caanaha geella, way ka sarreysaa caanaha kale, taasoo macnaheedu yahay, in caanaha geella ,lagu noolaan karo, in ka badan inta lagu noolaan karo caanayawga kale oo dhan ,faaidada caanaha Geella waxaa ka midda, inay ka faa’iido badan yihiin dhamaan caaanaha kale ee jira , sida caanaha lo,da iyo adhiga , sidoo kale caanaha geella waxaa laga helaa, Maaddooyinka ,Calcium ,Phosphorus iyo Vitamin B and C, Faytamin (C) laga helo caanaha geella waxa ay saddex jeer ka badan yahay, ka laga helo caanaha lo,da.
Sidoo kale Calciumtu iyo Phosphorus-ku, waxay inaga caawinayaan cabbitaankoodu , dhinaca lafaha oo faaiido ay u tahay , inaan lafaheenu jajabin,sidoo kale caanaha geellu waxay hodan ku yihiin, waxaa loo yaqaan Birta ama (ironka) , taas oo ay aad uga badan tahay, kuwa laga helo caanaha kale , taas oo la cadeeyey inay qiyaas ahaan toban jeer ay ka badantahay,taas oo la macno ah, inay u fiican yihiin , sida dadka dhiig yaraantu hayso iyo weliba hooyada uurka leh.
Sida ay sheegtay Hay’ada (UN) qaybta Qaramada Midoobay ee (FAO) ee Cuntada iyo Beeraha, in ay caanaha geellu wax yar uun , ay ka dhanaan yihiin caanaha kale ee lo’da ,waxay cadeeyeen in saddex jeer , in ku badan ay dheer yihiin Vitaminka C, Waxaa kale oo ku badan Vitamiinada kale, subagu markasta wuu ku yar yahay,taas oo ah , waxaa ku badan dheecaanada aan subaga dhalinin,Caanaha geella waxaa ku jira madooyin difaaca jidhka ,kuwaas oo yareeya fursadaha cudurada halista ah,sida Dhiig-karka iyo Sonkarta.
heerka subaga ee ku jirra caanaha Geella ayaa la sheegay inay ka yaryihiin kuwa ku jira caanaha xoolaha kale ee Lo,da iyo Adhiga, waxaa aad u yar subaga caanaha geella laga helo, taas oo kaa ilaalinaysa buurnida iyo sidoo kale xanuunka ku-hoos jira subagaasi sida colestrolka inay inaga ilaaliyaan caanaha geellu.
Caanaha Geellu waxay ka hortagaan hargabka xumada, beer-xanuunka dhiig-yarida, qaaxada iyo dhamaan cudurada gudaha sida gaastariga iyo sonkorta iyo dhiig-karka, waxaa kaloo ay u roon yihiin sida la sheegay kansarka iyo cudurada wadnaha haleela, Caanaha geella waxaa ku jira, maadooyin difaaca jidhka, kuwaas oo yareeya fursadaha qaar ka mid ah cudurada halista ah, caanaha geellu waxay ka hortagaan jermiska iyo sunta jidhka soo weerarta,sidoo kale waxay la dagaalamaan , bakteeriyada oo way baabii,yaan ,isla markaana dhulka ayey la simaan, waxay aad u difacaan cuntooyinka dhibi-kara mindhicirada oo way dilaan.
Tusaale ahaan waxaa dhacda in ilmuhu markuu yaryahay qiyaas ahaan ilaa 2ba sano , caanaha inta badan laga joojiyo , isla-mar ahaanta cuntada loo bilaabo , taas oo marka ay weynadaan aanay la qabsan caanaha oo markay cabaanba , ay markiiba si xawliya ugu ordaan suuliga , taas oo macnaheedu tahay inaanay la qabsan ama aanay la baran,taas oo ay caanaha geellu ay wax badan ka bedeli karaan , oo ay fiicantahay in qofku ilaa uu ka koraayo ,ilaa uu ka weynaanayo, ay u wanaagasantahay inuu caanaha geella si joogta u cabo, haddii u heli karaayo, haddii kale waxaa dhici-kara in calooshaadu adkaato, oo dhib aada la kulmo, sababta oo ah maysan baran calooshiisu, sida dadka la qabsaday ama qabatimay , isla-markaana may hayn kuwo hore ula qabsaday , hadaba waxaa loo baahanyahay in ilaa Sadex koob laga cabo,way ka adkaysi badan yihiin dadka kale oo markasta calooshoodu caadi ayey iska tahay.
Hadaba Somaliland oo imika ay ka jiraan dalka gudihiida dad badan oo si ka duwan sidii hore geela u dhaqda isla markaana magaalooyinka u soo iibgeeya caano badan oo si wayn looga iibsado suuragal ma tahay in caanaha geela o leh dhammaan waxtarka iyo faa,iidooyinka aynu kor ku soo xusnay in dib loogu noqdo dhaqashadisii isla markaana wax laga bedelo sidii hore ee aynu u dhaqan jirnay ee ahayd geel iyo nin bilaa kabo ah oo is daba socda oo ma ka midhi dhalin karnaa in uu noqdo il dhaqaale oo Somaliland u soo hoyatay laga helo shaqo abuur dhaqashadiida iyo xannaanayntiisa lagana maalo caano ka badan inta uu imika neefku dhiiiqo oo ma u samaysan karnaa hannaan geel dhaqasho oo si casri ah loogu diyaariyay dawayntiisa iyo dhul ka caagan magaalaynta oo xooluhu ku foofaan.
Waxaa hubaal ah haddii la maag galiyo dadka xoolo dhaqatada ah oo la daryeelo noloshooda in ay dhaqi karaan xoolo badan oo ku wanaagsan dhaqasahda isla markaana laga heli karo caano badan oo noqon kara il dhaqaale oo laga ganacsan karo lana wershadayn karo waa haddii ay ganacsatada dalku u soo jeestaan in ay ka faa’iideeyaan khayraadka ay dalka ka soo saaraan.