Madaxweynaha Somaliland oo Dhaqangeliyay Miisaaniyad Sanadeedka 2017-ka

0
501

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dhaqangeliyay miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2017-ka oo Isniintii aqalka Wakiilladu meer mariyeen.

Madaxweynuhu waxa uu shalay soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku dhaqangeliyay miisaaniyad sannadeedka qaranka ee 2017-ka oo  odoroskeedu dhan yahay  Sl sh. 2,175,104,355,662 oo u dhiganta $362,517,393.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu afhayeenka Madaxtooyadda  Eng. Xuseen Aadan Cigge (Deyr), waxaanu  qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu maanta (shalay) xeer Madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4469/012017, ku meel mariyey dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka.

 

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay:  Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada, Go’aan Lr. GW/G/KF-32/710/2017 ee ku taariikhaysan 03/01/2017 ee ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta;

Wuxuu Soo Saaray Xeerkan oo lagu baahinayo dhaqan-galka Miisaaniyad Sannadeedka 2017-ka ee Dawladda Dhexe, Dawladaha Hoose, Baanka Dhexe, Dekedda Berbera, Wakaaladaha Biyaha, Wakaaladda Laydhka Berbera, Madbacadda Qaranka, Wasaaradda Duulista iyo Hawada, Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah iyo Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply