Rasuulka Allah (scw) wuxuu xadiis ku yidhi : “Walaalkaa oo aad weji furan ku qaabishaa waa sadaqo” . Weji furnaanta iyo dhoolcadayntu waa astaan aad dadka ku soo jiidan karto oo aad agtooda ka noqonaysid qof muxtarim ah.
Kibirku isna wuxuu ka mid yahay ficilada xun xun ee dadka ka fogaynaya, dadku waxay jecel yihiin inay la joogaan kuwa naxariista badan ee dadka qiimeeya.
Dul-qaadka iyo in aad cadhada ka fogaata-na waa geesinimada, geesigu-na waa kan naftiisa hanta wakhtiga aad loo xumeeyo ee uu cadhooddo.
In aad ka fiirsato odhaahda iyo hadalka oo aad maamuli karto carabkaaga waxay iya-na ku soo jiidaysaa inay badato qiimaha aad bulshada ku dhex leedahay.
Waayo ma jiro dhib ka weyn hadalka xun. Waxaana inagaga filan xadiiska Rasuulka Allah (scw) “Qofkii Allaah iyo maalinta qiyaame rumeeyay haku hadlo khayr ama ha iska aamuso”.
Inuu qofku noqdo mid niyad samaan ku nool oo wax kasta ka eegaya dhinaca wanaagsan ayaa ah sabab u noqda inuu qofku hadafkiisa gaadho.