Booliiska Israa’iil ayaa su’aalo laaluush ku saabsan waydiiyay Ra’iisalwasaare Benjamin Netanyahu, waana baadhitaankii labaad ee lagu sameeyo todobaadkan gudahiisa.
Warbaahinta gudaha ayaa ku warantay in uu aqbalay hadiyado sharci darro ah oo ay siiyeen dad caan ah oo Israa’iil jooga, ganacsiyo caalami ah iyo waliba Hollywood.
Benjamin Netanyahu ayaa si joogto ah ugu celceliyay in aanu wax khalad ah galin.
Warbaaahintana wuxuu ku eedeeyay in ay yihiin khuraafaad isaga ka soo horjeeda.
Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in baadheyaashu ay ra”iisal wasaaraha su’aalo ku soo waydiiyeen guriga rasmiga ah ee uu ka dagan yahay magaalada Qudus.
Shan saac ayaa la waydiinayay su’aalo la xidhiidho eedaymo musuqmaasuq la xidhiidha iyo arrin kale oo aan la shaacinin.
Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa marar kala duwan oo hore lagu soo eedeeyay fadeexado ay ka mid yihiin eedaymo ku saabsan in ay si xun u isticmaaleen dhaqaalaha dawladda.