Khubaradda Jaamacadaha Dalka Talyaaniga Oo Sheegay In Khudraddu Dheerayso Cumriga Dadka

0
292

Khubaro dhanka Sayniska ah oo u dhalatay wadanka Talyaaniga kana tirsan jaamacadda Milan University ayaa soo saaray daraasad ay ku sheegeen in khudaarta oo si joogto ah loo cunaa dheerayso cimriga dadka.

Khubaradan ayaa sheegay inay tijaabooyin kala duwan sameeyeen intii ay wadeen daraasadan , sidoo kalena ay dib u daraaseeyeen daraasado hore oo la sameeyey , kuwaas oo salka ku hayey faa’iidada ay khudaartu lee dahay .

Waxay khubaradani sheegeen in gaska ay ka samaysan tahay khudaartu uu yahay mid ilaaliya unugyada dhalinyaro nimo ee dadka , kaas oo kamid ah waxyaalaha cimri dhererka qaybta weyn ka qaata.

Khubaro kale oo iyaguna ka socday wadanka Maraykanka oo warbixin dheer ku daabacay wargeyska Washington Post oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa sheegay in ay khudaartu faa’idooyin badan u lee dahay dhanka da’da , iyaga oo intaas ku daray in daraasad ay sameeyeen ku ogaadeen in dadka khudaarta aadka u cunaa ay dhaafaan da’da 65 sanno.

Khubaradan reer Talyaani ayaa sheegay in ay laba kooxood ku tijaabiyeen khudaartaasi , iyada oo koox la siiyey khudaar leh gas ama gan , halka kuwa kalena aan la siin wax khudaara, waxaanay sheegeen in kooxdii khudaarta la siiyey ka caafimaad badatay kuwii kale mudadii ay cunayeen .

Khubaradan ayaa sheegay in dadka cuna khudaarta kala duwan maalin walba ay noqdaan kuwo caafimaadkoodu wanaagsan yahay ama fiican yahay , halka dadka kalena ay waxyaalaha macdanta ah ee khudaartas ku jira ay ka maqan yihiin..

 

Leave a Reply