Beerta lagu magcaabo Sokolniki oo ah mid kamid ah beeraha ugu waaweyn adanka Ruushka , gaar ahaana caasimada Moscow ayaa la dhigay kabo hab casri ah loo sameeyey, kuwaas oo uu qofkii doonayaa ku kululaysan karo cagaha.
Warbixin dheer oo lagu qoray wargeyska The Times Rashin oo uu qormadan kazoo xigtay wargeyska Dawan ayaa lagu sheegay in kabahani yihiin kuwo awood u leh inay kulayl ama dirimaad ka dhigaan lugaha dadka , iyada oo dadka degan magaalada Moscow awood u yeelan karaan inay diiriyaan cagahooda si fudud laga bilaabo bishan aynu ku jirno ee January 15-keeda.
Kabahan ayaa dhererkoodu yahay ilaa 40 cm, iyada oo lagu xidhay qalab dab dhaliye ah oo ka dhigaaya kabahaas kuwo diiran ama cagaha ka dhigaaya kuwo diiran.
Maamulaha beertan oo lagu magcaabo Andrei Abshn ayaa sheegay in kabahan beerta laga heli doono bilo kala duwan oo ay kamid tahay bilahay January ,April iyo May.
Ninkan ayaa hadalkiisa raaciyey in haddii dadka booqdeyaasha ah ee kabahan doonayaa bataan ay iyaguna badin doonaan habakan oo ay kuwo badan keeni doonaan beerta dhexdeeda.