Maalin ay cadceedu si fiican u diirisay dhulka, quruxdiisuna muuqato, ayay gabadh macalimad ahi ardaydeeda siisay casharadii caadiga ah. Waxaana maskaxdeeda ku soo dhacay inay caruurta debedda u saarto oo ku siiso waano barxadda debedda si ay ugu raaxasytaan Cadceeda quruxda badan.
Markii ay ardaydu dhegaysanaysay waanadeeda ayay gacanteeda ku tilmaantay geed yar ku beerta ku yaallay , ka dibna mid ardayda ka mid ah ayay tidhi soo goo. Waana usoo rujiyay geedkii yara ee la beeray. Haddana geed kale ayay tilmaantay oo ay mid ardayda ka mid ah tidhi soo ruji. Waana usoo rujiyay isagoon kala kulmin wax dhibaato.
Geed weyn oo ku yaallay oo la hadhsado ayay haddana ku tidhi ardaygii yara soo ruji. Ardaygii ayaa ugu jawaabay taasi ma dhici karayso waayo waa geed muddo hore la beeray oo gaboobay xogna ah.
Macalimad ayaa dhool cadaysay waxayna ku tidhi caruurtii “ Dhirtu waa sida caadadeena xun oo kale, haddii dhaqankeenu xun yahay oo wakhtigu dheeraado, ma goyn karaysaan sida geedka. Sidaa awgeed akhlaaq iyo dhaqan wanaagsan ku barbaara.