Shan Daqiiqo oo uu Qofku Socdo Intuu Shaqada Ku Jiraa Waxay Keentaa Faa’ido Weyn oo Caafimaad

0
287

Daraasad cusub oo ay dhowaan soo bandhigeen kooxo dhanka caafimaadka ah ayaa lagu sheegay inay qofka shaqaynaaya faa’ido ugu jirto inuu muddo 5 daqiiqo ah socdo  inta uu shaqada ku jiro.

Khubaradan ayaa sheegay in fadhiga badan ee uu qofku fadhiyo goobtiisa shaqadu ay keento inuu khatar u geli karo xanuuno badan oo ku dhici kara qofkaasi, gaar ahaan xanuunada uu macaanku ka midka yahay.

Waxaanay khubaradani sheegeen in markasta oo uu qofku socdo uu si joogto ah u gubo cunto badan oo ah ta jidhkiisa ku jirta, sidoo kalena uu dibada usoo saaro oo isticmaalo tamar badan oo ta ku kaydsan ah.

Waxaanay kooxdani ku mareen kormeero xafiisyo kala duwan , kuwas oo ay waraysiyo la yeesheen, waxaanay shaqaaluhu u sheegeen inay dhibaato caafimaad kala kulmaan fadhiga mudada dheer ay fadhiyaan, iyaga oo weliba ay ku siyaado khatarta ah inay macaan qaadaan, inay naaxaan iyo khataro kale oo caafimad.

Khubaradan oo ka socotay jaamacadda caafimaadka ee Colorado Anschutz Medical Center  University iyo maxadka Institute of Johnson ayaa tijaabo ku sameeyey ilaa 30 qof oo ay baadhayeen xaaladooda shaqo iyo intay fadhiyaan.

Dadkan ayaa la eegaayey intay fadhiyaan maalintii ,xaaladooda caafimad iyo sidoo kalena siday u gubaan tamartooda ku kaydsan jidhka, iyada oo sidoo kalena la eegaayey oomateedkooda , waxaanay dadkani fadhiyeen muddo 6 saacadood ah, iyada oo loo ogolaa oo keliyaata inay xamaamka galaan.

Tijaabadoodii labad ayaa la bilabay muddo muddo 30 daqiiqo ah ka dib, iyada oo loo ogolaaday inay dhex socdaan goobtooda shaqada, waxaana loo ogolaaday inay muddo 5 daqiiqo ah dhex socdaan goobtaas ay ka shaqaynayaan saacad walba.

Khubaradan oo u waramaysay wargeyska Daily Mail  oo uu wargeyska Dawan kazoo xigtay qormadan ayaa sheegtay inay dadkaasi tijaabiyeen sida uu yahay dhecaanka keena fikirka badan , sidoo kalena siday tahay awoodooda tamareed iyo sidoo kalena oomateedkoodaba,waxaanay sheegeen inay ogaadeen in socodka 5 daqiiqo ahi uu faa’ido badan u lee yahay dadka shaqeeya .

Leave a Reply