Xaqiiqda Mucjisadda Jidhka Aadamiga

0
326

Waxaa yaab noqotoy markii la ogaaday in faraha dadku aanay ahayn kuwo isku eeg.  Arrintan ayaa noqotay ta keliya ee lagu kala saaro dadka maanta markii cilmi ahaan loo ogaaday arrinkaasi.

Waxa kale iya-na cilmi baadhayaashu cadeeyeen inay farahu xidhiidh toos ah la leeyihiin dareenka guud ee qofka aadamiga ah.

Ma aha muhiimadda faruhu in dadka oo keliya lagu kala saaro laakiin arrimaha muhiimka ee ay jidhka u leeyihiin waxa kale oo ka mid ah inay qayb weyn ka yihiin ilaalinta maqaarka qofka.

Arrinkan ayaa xidhiidh la leh kala saaridda faraha dadka oo ah maqaarka sare, taasi oo keentay in la ogaado in aanay jirin laba qof oo farahoodu isku mid yiiin xataa mataanaha isku ugaxaan keliya ka wada abuurma ee isku eekaanshuhuba u weyn yahay.

Ilaa hadda si fiican umay fahmin cilmi baadhayaashu mucjisdan waxa se ay sheegeen inay tahay mid iya-na la mid ah codka dadka oo is-na ah mid aan is shabahin 100%  xataa mataanaha.

Leave a Reply