Madaxa shirkada ee waqooyiga Ameerika, Jim Lentz, ayaa kaga dhawaaqay qorshaha bandhiga baabuurta ee ka socda Detroit.
Wuxuu sheegay inaysan shaqo ku lahayn qorshaha sida uu madaxaweynaha la doortay ee Donald Trump uga soo horjeedo baabuurta dibadda laga keeno, laakiin ay tahay istaraatijiyad ay leedyihiin.
Mr Trump ayaa ku hanjabay canshuur inuu saarayo shirkadaha ku sameeya baabuurta Mexico si ay ugu iibgeeyaan Maraykanka.
Mr Lentz ayaa sheegay in lacagta maalgalinta lagu samaynayo xarun dhismo cusub oo ku taalaTexas, iyo in lagu casriyeeyo warshadahooda baabuurta ee Maraykanka.
Horaantii shirkada BMW ayaa BBC u sheegtay inay ka go’an tahay inay warshad cusub ka samayso Mexico, inkastoo Mr Trump uu ka soo horjeedo siyaasadooda.
Shaqo abuuris
BMW ayaa ku qarash garaynaysa $1 bilyan warshada Mexico, halka ay shirkadaha kale maalgalinayaan Maraykanka ama ay dib ugu soo noqonayaan Maraykanaka.
Axadii, Fiat Chrysler Automobiles (FCA) ayaa ku dhawaaqday qorshe maalgalin $1 bilyan ah oo lagu soo saarayo saddex nooc oo baabuurta nooca Jeep oo lagu samaynayo Maraykanka.
FCA ayaa sidoo kale samaynta baabuurta Ram ee ay ku samayso Mexico ku soo celinayso Maraykanka.
Toddobaadkii hore Mr Trump ayaa dhaleeceeyay shirkada General Motors inay baabuurteeda ku samayso Mexico si ay ugu iibiso suuqa Maraykanka.
“General Motors ayaa baabuurta lagu sameeyay Mexico ee Chevy Cruze u soo dhoofinaysa dadka baabuurta iibiya iyagoo xadka ka soo gudbinaya canshuur la’aan. Ku samee Maraykanka baabuurta ama waxaad bixinaysaa canshuur xadka” ayuu tweet gareeyay Mr Trump.
Agaasimaha suuqgaynta ee BMW, Ian Robertson, ayaa BBC u sheegay inay shirkada ka go’an tahay warshada cusub ee ay ka samaynayso San Luis Potosi, oo samayn doonta nooca 3 Series oo lagu iibinayo waqooyiga Ameerika.
Wuxuu intaas ku daray in shirkada ay ku maalgalinayso $1bilyan warshadeeda South Carolina ayna BMW ka dhoofiso baabuurta ugu badan Maraykanka.
Toddobaadkii hore shirkada Ford ayaa joojisay maalgalin $1.6 bilyan oo ay ku dhisi lahayd warshad dalka Mexico, waxayna go’aan ku gaadhay inay balaadhiso warshadeeda ay ku leedahay Michigan ee Maraykanka.