Dawlad Dhulkeedii KU filan waayay Dadkeeda!

0
315

Dalka Comoros ( Jusur AL Qamar) wuxu ku yaalla badweynta Hindiya waxayna waqooyi ka xigtaa dalka Musaambiik, iyadoo barina ka xigta Jasiiradda Dalka Madagasgar . Waxa kale oo iyana dhinacyo kale ka xiga jasiiradda Seeshalis iyo Tansaaniya. Waxa lagu tiriyaa inay tahay dalka saddexaad ee ugu yar qaaradda Afrika, baaxadda dhulkeedu ku fadhiyo ayaa ah 1.862 km2  ama 863 Mayl2 .

 

Tirada dadka ku nool jasiiraddan ayaa lagu qiyaasay 798000 oo qof, waxaana ay noqotay dawladda lixaad ee ugu dadka yar qaaradda Afrika.

Waa dawlad ka kooban afar jasiiradood oo midkooda weli gacanta ku hayo Faransiisku, waxaana gumaysan jiray Faransiiska iyadoo luqadda rasmiga ee dalkaasina ay tahay Faransiis, luqadda Comoros iyo luqadaa Carabida ayaa iyana ah luqadaha labaad ee dalkaasi. Waa dal muslim ah oo dadkiisu haystaan mad-habta suniga ah.

Waxay  ku jiraan ururka jaamacadda Carabta, ka dalalka Muslimiinta, Qaramada Midoobay, Ururka Dawladaha ku yaalla badweynta Hindiya, Ururka Midowga Afrika. Waxay xornimada ka qaadatay dalka Faransiiska sanadkii 1975.

Dhaqaalaha dalkan ayaa ku dhisan Beeraha, Kaluumaysiga iyo dalxiiska.Laakiin haddana dhaqaaluhu ma fiicna dadka ku nool 70% waa dhalinyaro waxaana la sheegay inay 50% shaqo la’aani hayso. Waxaana xukuumadu sheegtay in aan lahayn dhul beero.

Dhibaatada ugu weyn ee wakhtigan haysataa waa baaxadda dhulka oo ku yar, taasi oo keenaysa in dhul beereedku uu noqdo mid kooban, iyadoo xukuumadduna qorshaynaysa habkii loo xalili lahaa tirada dadka ee badanaysa iyo dhul yaraanta Jasiiradda.

 

Leave a Reply