Warbixin: Bangiga Adduunka Oo Saadaalinaya Dhaqaalaha Dunida Ee Sanadkan 2017

0
333

Warbixinta dhaqaalaha adduunka ee (Global Economic Prospects) ayaa saadaalinaysa koror dhaqaale oo ah 2.7% marka la barbardhigo 2.3% ee korarkii sanadkii hore.

Kororka ayaa waxaa keeni doona waddamada dhaqaalahoodu soo korayo sida uu sheegay bangiga.

Laakiin waxaa jira hubaal la’aan kadib doorashadii Maraykanka, sida warbixintu sheegtay.

Kororka dhaqaalaha

Waddamada dhaqaalahoodu korayo dulsaarka lacagta ee la kordhiyay dalka Maraykanka iyo qiimaha doollarka oo kordhay ayaa keentay in la adkeeyo in la bixiyo amaahda, taasoo keentay in ammaahda lagu helo si qaali ah ama ay adag tahay in la helo.

Laakiin bangiga ayaa filaya in kororka uu sii bato waddamadan, sababtoo ah, sicirka qayraadka dabiiciga sida shidaalka iyo macdanta oo kordhay, oo ay dalalkan badankooda dhoofiyaan.

Dhaqaaleyahanada Bangiga ayaa sidoo kale filaya in hoos u dhaca dhaqaalaha labada waddan ee ka mid ah waddamada dhaqaalahooda uu kordhayo ee Brazil iyo Ruushka uu dhammaado.

Bangiga Adduunka: $75 bilyan oo lagu caawinayo dalalka saboolka

Waddamada hore u maray dhaqaalahooda ayuu bangiga saadaalinayaa koror yar oo ah ilaa 1.8%. Kororkan ayaa ka fiicnaan doona kii 2016, laakiin wali waa yar yahay markii la barbar dhigo waqtigii ka horeeyay dhibaatada dhaqaalaha adduunka.

Hubaal la’aanta siyaasadaha mustaqbalka ayaa korortay kadib aftidii Britain ay uga baxday Midowga Yurub gaar ahaan saamaynta ay ku leedahay dhaqaalaha adduunka iyo guushii Donald Trump ee doorashadii Maraykanka.

Warbixinta ayaa faaqidaad ka bixinaysa sababta uu Maraykanka muhiim ugu yahay dhaqaalaha adduunka marka laga hadlayo ganacsiga iyo hayadaha lacagaha sida ay isugu xidhan yihiin.

Waxay sheegtay inay jirto hubaal la’aan badan siyaasadaha dowladda Mr Trump ay samayn doonto.I

Waxay sheegtay waxaa jira rajo laga qabo koror dhaqaale ee Maraykanka, haddii Donald Trump uu hirgaliyo siyaasadiisa inuu jarayo canshuurta laga qaado shaqaalaha iyo ganacsatada iyo inuu maalgaliyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Warbixinta ayaa sidoo kale eegtay saamaynta ay yeelan karto haddii xayiraad lagu sameeyo ganacsiga caalamiga ah. Mr Trump ayaa sheegay inuu kordhin doono canshuurta alaabada la soo dhoofiyo wuxuuna ku taliyay inuu baabi’in doono qaar ka mid ah heshiisyada ganacsi.

Saamaynta saboolnimada

Bangiga ayaa sheegay caalamka, xayiraada cusub ee ganacsiga inay gaadhay meeshii ugu saraysay tan iyo dhibaatadii dhaqaalaha adduunka, waxayna ka digtay in waddamada dhaqaalahooda korayo iyo kuwa soo koraya ay saamayn wayn ku yeelan doonto xayiraadahan.

Xayiraadahan ayaa saamayn wayn ku yeelan kara dhaqaalaha waddamada ugu saboolsan, ayay warbixinta ka digtay, iyadoo sheegtay kororka dhaqaalaha inuu yahay waxa ugu wayn ee lagu dhimay saboolnimada labaatankii sano ee ugu danbeeyay.

Waxay sheegtay haddii ay soo noqoto kororkii la arkay 2008-dii ka hor, in saboolnimada badan uu hoos uga dhaco 4% sanadka markuu yahay 2030.

Laakiin koror yar sida midkii la arkay 2015 ayaa hoos u dhigi karoo kaliya saboolnimda badan 9%.

Toddobaadka danbe Hayadda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa bixin doonta sadaalinteeda dhaqaalaha ee 2017.

Laakiin waa muhiim inaan la is barbar dhigin labada warbixin tirada ay isticmaalaan ee kororka dhaqaalaha adduunka.

waxaa jira laba hab oo la isugu daro kororka dhaqaalaha waddamada intuu le’eg yahay si loo helo tiro caalami ah, labada hay’adood ayaa isticmaala laba hab oo kala duwan warbixinadooda.

 

Leave a Reply