Dhibaatada Macalimiinta Aan Khibradda Lahayn

0
409

Markii macalinku casharka sharaxaadiisa waday ayu ku gam’ay fasalkii mid ka mid ahaa ardaydii yar yarayd . Macalinka ayaa canaantay waxaana uu cod dheer ku yidhi “ Waxaad ku soo jeeday daawashada TV-ga markaasi ayaad fasalka dhexdiisa ku gam’aysaa.

Ardayga ayaa intuu eegay ayuu ilka cadeeyay. Macalinka oo aad u cadhaysan kana soo qaaday inuu ku jeesjeesayo ayaa fasalka ka eryay. Laakiin marki u fasalka ka baxay wiilka yari ilmo ayaa indhihiisa ka da’aysay. Qofna ma oga inuu ku soo jeeday aabihii oo aad u xanuunsanayay oo uu siinayay Dawo.

” Weligaa ogow arrimuhu maaha sida ay kuugu muuqdaan adiga, kolba dhinaca ka eeg. Mar kastana dhinaca wanaagsan raac.

Leave a Reply