Shiinaha Oo Diiday Inuu Dollar Wax Ku Iibiyo!

0
332

Dawladda Shiinaha ayaa hogaaminaysay mashruuc Bangi maalgashi ahi oo dawladdaha xoogga ah ee Aasiya samaystaan kaasi oo ay doonayaan inay kaga takhalusaan nidaamka dhaqaale ee caalamiga ee uu gacanta uu ku hayo Maraykanka oo adeegsanaya dollerkiisa.

 

Shiinaha ayaa doonaya in dunida mar kale heshiis ka gasho sidii loo heli lahaa lacag caalami ah oo la isku raacsan yahay oo aan ahayn dollerka uu Maraykanku hogaaminayo taasi oo iyadoo dahab la mid ah la kaydinayo.

Shiinaha ayaa sheegay in aanay doonayn in la bedelo nidaamkii Bretton Woods , laakiin ay tahay in lagu heshiiyo lacago dahabkoodu yaallo banigaga aduunka. Waxana ay sheegeen in Dollerku noqon karo mid isticmaalkiisa sii jiro hadii xadiga lacagtaasi oo dahab ah la dhigo baanka caalamiga ayuu Shiinuhu ku celceliyay.

Shiinaha ayaa diiday inuu Doller aan lahayn kayd dahab oo la daabacay ku iibiyo badeecadiisa taasi werwer gelisay Maraykanka.

Xogahayhayihi Maaliyadda Maraykanka ee hore Jack Liu ayaa sheegay in Hay’adda IMF ay tahay mida ilaalisa dhaqalaha aduunka. Laakiin dhaqaalo yahano caalami ah ayaa sheegay inay arintani naxdin iyo cabsi ku hayso Maraykanka oo isugu adeegsada labada kabaal ee Baanka aduunka iyo IMF oo noqday tiirarka dhaqaalaha dalkiisa .  ( AL-Haram).

Leave a Reply