Siyaasiyiin u sheegay Trump inuu hadalka badan joojiyo

0
312

Siyaasiyiin dhowr ah oo hormuud ka ah Xisbiga Jamhuuriga ayaa si caro leh uga hal celiyey hadallada soo noqnoqday ee madaxwyne Donald Trump.

Trump ayaa ku celiyay in ay Hillary Clinton isaga ka badsatay tirada codadka madax tiriska ah ee laga dhiibtay doorashadii, taas oo uu ku sheegay in sababtu ahayd in saddex milyan oo qof si sharci darro ah ku codeeyeen.

Senotor Lindsey Graham, oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in hadallada Trump yihiin kuwo aan ku haboonayn in madaxweyne sheego isagoon wax caddayn ah haynin.

Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?

Shiinaha oo Trump uga digay aqoonsiga Taiwan

Gudoomiyaha aqalka wakiillada, Paul Ryan, ayaa isna sidoo kale sheegay in loo baahanyahay in Trump uu meel iska dhigo eedaymaha aan caddaynta loo haynin.

Siyaasiyiinta ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga ayaa iyaguna sidoo kale dhaliilay hadalladan Madaxweyne Trump sheegay.

Leave a Reply