Wasiirka Waxbarashadda oo Ammaanay Mulkiilaha Shirkadda Caanaha Anchor

0
282

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare mudane Cabdilaahi Ibraahim Habane ayaa mahadnaq ballaadhan  u jeediyay mulkiilaha shirkadda Caanaha ee Anchor Mudane Idiris Cumar Cunaaye, ganacsadahan oo dhawaan hanti badan ugu deeqay dhismaha dugsiga Suldaan Maxamed Suldaan Faarax laga hirgaliyey caasimadda Somaliland ee hargaysa.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda oo ka hadlayey munaasibad shahaado sharaf lagu gudoonsiinayey muwaadin u tafa-xatay horumarinta waxbarashadda ayaa halkaasi ka cadeeyey dedaalka iyo deeqda balaadhan ee uu muulkiilaha shirkada Anchor had iyo jeer ka geysto horumarinta waxbarashadda waxaanu sheegay in munaasibad tan oo kale ah uu ku gudoonsiin doono shahaado sharaf uu ku mutaystay dhaqaalaha baaxada leh ee uu ku bixiyey Dhismaha Dugsiga Sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo ku yaala Xaafadda masalaha ee Magaaladda Hargaysa.

Wasiirka wasaaradda waxbarashadda iyo tacliinta sare oo arrintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi: haddii maalqabeenadda dalkeenu sida Idiris Anchor oo kale waxbarashadda horumarinteeda nagala shaqayn lahaayeen guulo badan oo la taaban karo ayaa la gaadhi lahaa. Mulkiile Idiris Cumar Cunaaye waxa uu deeq lacageed oo dhan 42 Kun oo doolarka maraykanka ah ku bixiyey afar fasal, suuliyadoodii iyo taangiyo biyaha loogu talagalay ayuu ka hirgaliyey dugsiga sare ee Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, runtii waan ku farxay kadib markii uu si deeqsinimo ah u bixiyey hantiddaa ku baxaysa dhismahaasi, illaahay waxan uga rejaynayaa in uu miisaanka xasanaadka ugu daro halkii uu ka soo saarayna uu wax kheyr qaba ugu badalo.

Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Waxa uu ku suntan yahay halkgankii dib u xoreyntii dalka, kaalin mug leh ayuu ka soo qaatay runtii, sidoo kale waxa uu ahaa hormoodkii dhidibada u taagey dib u yagleelka qaranimadda Somaliland ee aynu maanta ku naaloonayno, waxyaabaha tiradda badan ee lagu xasuusan karo waxa ka mid ahaa kaalintii uu Suldaan Maxamed Suldaan Faarax Alle ha u naxariistee kulahaa dhismihii ciidankii u horeeyey ee Somaliland yeelato, sidaa darteed waxan ugu magacdarnay dugsi ku yaala masalaha oo dhul balaadhan leh kaasi oo noo qorshaysan in aanu ka dhigno dugsiyadda tusaalaha u ah kuwa dawliga ah (Model Schools). Ka wasaarad ahaan waxan hore uga dhisnay seddex fasal, xafiisyadii iyo musqulihii, sanadkana waxan miisaaniyadda ugu darnay deyr lagu wareejin doono dhammaantii si degdeg ahna wuu u bilaabmi doonaa haddii rabi ogolaado.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply