Xukuumada oo Sucuudiga Ugu Baaqday in Xayiraada Laga Qaado Xoolaha

0
248

Barbara (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda diinta iyo awqaafta Jamhuuriyada Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Maareeye ku xigeenka dekada Barbara Cabdi Cabdillaahi Xasan (Mataan) ayaa dawladda Sucuudiga ugu baaqay inay xayiraada ka qaadaan dhoofka xoolaha Somaliland.

Masuuliyiintani waxay sidaa ku sheegeen hadal ay ka jeediyeen munaasibad loo qabtay deeq raashin ah oo dhan shan iyo sagaashan koontiinar oo boqorka Sucuudigu ugu deeqay dadka abaaruhu naafeeyeen, taasi oo  lagu wareejinay maamulka dekada iyo guddida abaaraha ee heer qaran.

Wasiirka diinta iyo aw-qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ugu horreyn halkaasi ka hadley ayaa sheegay in xoolaha Somaliland ay yihiin xoolo fayow oo ka bad qaba cudurada, isla markkaana la baadhay caafimaadkooda, waxaanu ka codsaday dawlada Sucuudiga in ay dib u eegis ku samayso arrinta xayiirada ay saartay dhoofka xoolaha Somaliland.

Wasiirku isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi, “Waxaanu ka codsaneynaa dawlada Sucuudiga iyo boqorkeedaba in dib u eegis lagu sameeyo arrinta joojinta xoolaha, iyada oo la caddeynayo inay caafimaad qabaan, dadkuna wax badan ayay qabsan lahaayeen hadii xoolahooda loo fasaxo.”

Sheekh Khaliil, waxa kale oo uu mahad naq ballaadhan u jeediyay Boqorka dawladda Sacuudiga iyo Hayada samafalka ee deeqda raashinka ah soo gaadhsiisay dadka ay saameynta ba’an ku yeelatay abaartu, waxaanu yidhi “Waftigan qiimaha badan ee inooga yimid Hay’ada Iskaashiga Islaamka, lana socdaan deeq bixiyayaashi Sucuudiga gaar ahaan xarunta arrimaha samafalka, Boqor Salmaan Cabdilcasiis Al-sucuud, aniga oo ku hadlaya magaca afka xukuumada Somaliland iyo tan gudida abaarahaba waan uga mahad celinayaa cid kasta oo ka hawl galeysa hawshan iyada ah ee qaaliga ah”

Maareeye ku xigeenka dekada Barbara oo isaguna madashaasi hadal kooban ka jeediyay ayaa xusay in dhaq dhaqaaqa dekada Berbera uu ahaa mid ku xidhan dhoofka xoolaha nool, waxaanu yidhi “Dhaq-dhaqaaqa dekadu waxa uu ku xidhan yahay xoolaha la dhoofinayo, waanad ogtihiin oo xoolihii Sucuudiga u dhoofayay hakad baa la galiyay, xaq baanay u leeyihiin inay caafimaadka dalkooda iyo dadkoodaba ka fikiraan, xoolaha Somaliland waa ay caafimaad qaban, markaa waxanu boqorka Sucuudiga ka codsaneynaa in xoolaha la fasaxo, waayo xoolihii Somaliland waa ay caafimaad qabaan oo waa la caddeeyay.”

Cabdi Cabdillaahi isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu intaas ku daray “Sidoo kale waxaanu aad iyo aad ugu farax-sanahay caawimadan timid ee shan iyo sagaashanka koontiinar ah, kana timid Sucuudiga waana cuno nafaqeysan oo lix nooc ka kooban, xukuumadda Sucuudiga iyo boqorkeedaba waanu uga mahad celineynaa deeqdan raashinka ah.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply