Wasiirka Qorshaynta oo la Kulmay Wefti ka Socday EU-da iyo Qaadhaan-bixiyeyaasha

0
274

Hargeysa(Dawan)-Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka  Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed Ibraahim Aadan, ayaa shalay  xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda EU-da iyo Dalalka  Somaliland ka taageera horumarinta

Kulankan oo ka qabsoomay Xarunta Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, ayaa Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Md. Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) dhinciisa waxa ku wehelinayey Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Md. Kaysar C/laahi Maxamed, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda iyo xubno ka mida guddida gacanta ku haysa diyaarinta Qorshaha labaad ee Qaranka NDP2 oo ka mida Agaasimayasha

Weftigan oo ay hoggaaminayso safiirka EU-da ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ms. Veronique Lorenzo. waxa ku wehelinayey Safiirka Dalka Denmark ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, xubno ka socday waddamada UK, Ireland, France and Netherlands.

Ujeeddada weftigan uu dalka u yimid ayaa ahayd xogogaal u noqoshada arrimo la xidhiidha dhinaca horumarka sida qorshaha labaad ee horumarinta Qaranka NDP2 kaasoo ay diyaarintaa gacanta ku hayso Wasaaradda Qorshaynta Qaranku, Mashaariicda horumarinta ee ay taageeraan waddamada ku bahoobay Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF,Airimaha Doorashooyinka, Abaaraha iyo Mucaawinooyinka gaarka ah ee Somaliland loogu talo-galay.

Weftigan ayaa intii uu kulanku socday waxay warbixinno ku saabsan qodobadaas ka dhaqaysteen Wasiirka Qorshaynta iyo Wasiir Ku-xigeenka waxaanay masuuliyiintani weftiga uga warameen xaalada abaaraha iyo baaxada ay leedahay iyagoo xusay inay daba dheeratay islamarkaana ay saamaysay noloshii dadka iyo duunyadaba guud ahaan dalka oo dhan. Waxa kaloo  ay ku guubaabiyeen sida ay lagama-maarmaanka u tahay in beesha caalamku kaalin wayn ka qaadato gurmadka abaaraha. iyadoo geesta  kalena labada dhinaca ka wada hadleen sidii looga gaashaaman lahaa abaarahan soo noqnoqonaya taasoo u baahan qorshe wax ku ool ah.

Waxyaaba kale ee kulanka lagaga wadahadlay waxa ka mid ahaa arrimaha doorashada oo ay masuuliyiintan Wasaaradda Qorshaynta Qaranku sheegeen in ay xukuumad ahaan ka go’an tahay inay doorashadu xiligeedii qabsoomto balse siday tilmaameen ay jiraan abaaro ba’an oo saameeyey guud ahaanba noloshii bulshada, taasina ay carqalad ku keeni karto doorashadu inay xiligii loo asteeyey ku dhacdo.

Waxa kaloo  ay labada dhinac ka wada hadleen nidaamka mucaawinooyinka u gaarka ah Somaliland ee loo yaqaano (Somaliland Special Arrangement) oo ay Wasiirka Qorshaynta iyo ku-xigeenkusuba kala hadleen weftiga iyagoo sheegay inay muhiim tahay arrintaasi si waafiya looga wada hadlo heshiisna laga gaadho si halkiisii looga sii ambo-qaado maadaama uu kii hore dhammaaday waxaana loo balamay in kulamo danbe lagu gorfayn doono arrintaas.

Waxa kale oo kulanka si wayn loogu lafa-guray qorsha Labaad ee Horumarinta Qaranka iyadoo ay kulanka ku sugnaayeen guddida gacanta ku haysa diyaarinta Qorshaha Labaad ee Horumarinta Qaranka. Waxa warbixin ku saabsan waxyaabihii u qabsoomay, halka ay wax u marayaan iyo qorshaha u yaalaba sharraxay Md. Mubaaark C/laahi Ibraahim (Daljir) oo ah Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Qorshaynta waxa iyaguna dhinacdooda soo dhaweeyey qorshan labaad ee Horumarinta Qaranka Somaliland xubnihii ka socday weftiga oo balan-qaaday inay qaybtooda ka qaadan doonaan hirgalinta qorshan.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply