Taariikh ahaan isticmaalka lacagtu waxa uu soo maray marxalado faro badan, waxaana jirey xiliyo bulshooyinka caalamku wax ku kala iibsan jireen badeecadcado la isku bedesho waxaana loo yaqaan nidaamkii “Barter”. Nidaamkaas markii laga soo gudbay waxa bilaabmay nidaamka isticmaalka lacagaha oo wakhtigaasi lagu qiimayn jiray biro qaali ah, dahab iyo silfer.
Waxaana la sheegay in lacagtii u horaysay oo ahayd qadaadiic la soo saaray 700 sano ka hor dhalashadii Nebi Ciise (cs) , inkasta oo ay qiyaastaasi tahay mid aan si cad la isugu raacin.
Dalka Shiinaha ayaa ugu horeeyay samaynta lacagta noodhka ah ee warqadda ka samaysan, taasoo oo uu diyaariyay boqorkii la odhan jiray Ghengis Khan oo la sheego inuu noolaa qarnigii 13aad .
Wuxu xukumi jiray boqrtooyo ballaadhan oo xukunkeeda iyo maamulkeedu wada gaadhay dhulka qaarada Aasiya intiisa badan. Boqorkaasi si uu u hirgeliyo lacagta isticmaalkeeda waxa uu sameeyey nidaam cusub oo ah inuu dadweynaha ka iibsado dahabka iyo waxyaabaha kale ee qiimaha leh. Sidaas darteed qof kasta oo u keena Dahab ama Silfer waxa uu siin jirey oo uu alaabtiisa kaga iibsan jirey lacag noodh ah oo ay ku daabacan yihiin sawiro iyo qoraalo ku saabsan lacagta tiradeeda iyo qiimaheeda, Iyada oo qiimaha wax lagu kala bedelanayo ama lagu kala iibsanayaana ahaa mid la isla ogol yahay oo heshiis lagu yahay. Sidoo kalena haddii uu qofku u baahdo dahab waxa ka iibin jirey boqortooyada oo ka siin jirtey lacag noodh ah oo u dhiganta dahabka uu doonayo qiimahiisa.
Taasina waa halka ay ka soo bilaabantay lacagta waraqaaha ah ee aynu maanta isticmaalo iyo wax ku iibsigeedu. Waxaana xusid mudan in xiligaas lacagta uu boqorkaasi sameeyey ahayd mid damaanad buuxda leh, sababtoo ah Xarunta boqorka waxa yaalay dahab tiro badan oo u dhigamayey lacagta bulshadu isticmaalayso, ee hadba seyladaha wareegaysa. Halkaasina waxa ka muuqanaya sida ay dawladuhu masuulka uga yihiin lacagta ee aanay weligood shaqo ugu yeelan ganacsato macaash doon ahi kuwaasi oo aan dan ka lahayn bulshada ay ku dhex shaqaystaan noloshooda.