Madaxweyne Siilaanyo oo ku Bogaadiyay Xisbiyada Heshiiska ay ka Gaadheen Xilliga ay Qabsoomi Karto Doorashada Madaxtooyadu

0
374

Hargeysa(Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md.  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ku bogaadiyay madaxda saddexda xisbi qaran oo  isku raacay in doorashadda Madaxtooyaddu  ay qabsoonto bisha October  ee sannadkan ka dib markii ay qiimeeyeen xaaladda abaarta ka jirta wadanka  iyo in aanay xilligan qabsoomi karin doorashadu wakhtigeedii ay ku muddeysnayd oo ahaa 28-ka Bisha March ee sannadkan.

 

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo ka hadlay heshiiska madaxda saddexda xisbi qaran  gaadheen oo lagu qabtay xarunta madatooyada,ayaa madaxda asxaabta qaranka uga  mahadceliyay sida wada jirka ah ee ay isula qaateen wakhtiga la qabanayo doorashada Madaxtooyada  oo xaaladda abaarta ee dalka ku habsatay ay dib u dhac ku keentay iyo qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada oo loo qabtay in ay isku mar qabsoomaan sannadka dambe.

 

“Mudaneyaal, Waxaan idiinka mahad celinayaa sida odaytinimada  iyo bisaylka leh ee aad ku soo gunaanadeen afkaartiinnii siyaasiga ahayd ee kala duwanayd  ee  ku saabsanayd muddada cusub ee   doorashada Madaxtooyada la qaban karo,tani waxay ka markhaati kacaysaa in aynu nahay ummad wixii khilaaf ah eek u yimaadda ku xalili kara wada tashi isu tanaasul iyo danta guud ee qaranka oo laga hor mariyo danaha gaarka ah,waana hab dhaqankaas ka aynu ku soo nabad iyo caano maallay ee duniduna innagu majeerato,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweynuhu wuxuu ugu ayaa ugu dambayn kula dardaarmay madaxda asxaabta qaranka in wada jir loogu gurmado dadka abaartu ku habsatay ee reer Somaliland, waxaanu yidhi, “Waxaan idin kula dardaarmayaa in wada jir aynu ugu wada gurmano dadkeeNna abaaruhu ku habsadeen ee samato bixinta innooga baahan.”

 

Shirka ay shalay ku yeesheen qasriga Madaxtooyada Somaliland oo ay wada jir u wada saxeexeen guddoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,WADDANI iyo UCID Muuse Biixi Cabdi, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi iyo Faysal Cali Waraabe oo saddexduba u tartamaya jagada Madaxweynenimo ee Xisbiyada qaranka, ayaa wada jir u saxeexay waxay isku raaceen labadan qoddob:-

  1. In Doorashada Madaxtooyada ee hadda dib u dhacday abaaraha baahsan awgeed, la qabto taariikhdu marka ay tahay 10/10/2017.
  2. In Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka ay qabsoomaan isku wakhti, taariikhdu marka ay tahay 10/10/2018.”

 

Kulankan waxaa kale oo goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Guddiga Doorshooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iiman Warsame.

 

Heshiiska  madaxda saddexda xisbi qaran wada gaadheen ayaa dhaqan-galkiisu ku xidhan yahay muddo kordhinta ay Golaha Guurtida Somaliland u samayn doonaan Xukuumadda ka dib marka uu Madaxweynaha qaranku u gudbiyo in ay waajibaadkooda dastuuriga ah ka gutaan dib u dhaca ku yimi qabsoomida doorashada Madaxtooyada Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply