Xukuumadda Somaliland oo TELESOM ku Tilmaantay Dhiig Miirato aan u Tudhayn Shacabka Danyarta ah

0
403

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyadda  Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cali Axmed Maxamed (Cali Dhagoole),  ayaa shirkadda TELESOM ku tilmaamay in tahay shirkad dhiig miirato ah oo aan u tudhayn shacabka Somaliland ee uu aafeeyay sicir bararku.

 

Cali Dhagoole oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in adeegyada Zaadka iyo Edahab ay carqalad ku yihiin isticmaalka shilinka Somaliland, waxaanu  tilmaamay in talaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono cid kasta oo ka hor-timaada go’aanadii xukuumaddu ka soo saartay sicir bararka iyo sarif bararka.

 

Wasiir ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in Xukuumadda Somaliland ay amar ku bixisay in la soo xidho masuulkii u hadlay shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM, kaas oo uu ku tilmaamay in uu si indho la’aan ah uga hadlay go’aanadii Xukuumadda.

 

“Guddida sicir bararku waxa ay u soo bandhigeen Golaha Wasiirrada daraasad ay ku sameeyeen waxyaabaha keenay qiimo dhaca shilinka Somaliland oo loo aanaynayo in ay keentay Zaadka iyo E-dahab oo shilinka Somaliland ka socon waayay, waxa  markhaati shacabku ka yihiin in Zaadka iyo E-dahab lagu iibiyo cadayga, shaaha iyo baalashkaba,  taasi waxa ay meesha ka saartay shilinkii Somaliland,”ayuu yidhi Wasiir Ku-xigeenka Maaliyaddu.

 

Waxa kaloo   uu intaasi ku daray,  “Waxa aanu si cad oo qaawan u sheegaynaa in Zaad-ku  yahay carqalada koowaad ee ka hor timid shilinka Somaliland, waxa  nasiib darro ah in nin shirkadda TELESOM u hadlayaa uu sheegay in go’aanka shacabka Somaliland loogu hiilinayaa uu yahay mid dhinaca, waxaana ninkaasi muujiyay in aanu u naxayn oo damqasho ka hayn shacbigeenna uu aafeeyay sicir bararku. waxa aan leeyahay waa nasiib darro hadal kaasi, go’aankii ka soo baxay Golaha Wasiirrada ee madaxweynuhu wareegtada ku soo saaray waxa uu noqonayaa mid soconaya cid kasta oo ka hor timaadana waxa laga qaadayaa tallaabo adag, waxa  lala tiigsan doonaa sharciga.”

“Ma dhacayso in aanu tallaabo dib uga qaadno cid shacabka hagar daamaynaysa, dawladda nidaamkeeda ayaa soconaya, waa dawlad isku kalsoon, waanu soconayaa go’aankaas aanu soo saarnay, waxa ay ahayd arrin aanu la yaabnay hadalkaa ka soo yeedhay Maax, waxaana ay ahayd qaab jees jeesa, waxa uu caddeeyay in dhiig miirad ay yihiin. waxa aanu leenahay go’aamadaas xukuumaddu soo saartay ee salka ku haya dhibaatada ku timid shilinka Somaliland way soconayaan. hadday tahay E-dahab, Zaadka iyo sarifleyaasha waxa aan leeyahay maanta laga bilaabo sidaa wareegtada xukuumaddu u soo saartay ayay u fulinaysaa, haday tahay ciidamadda waxa aanu u qabanaynaa muddo kooban in ay ku fuliyaan go’aamadaas haday ku fulin waayaan waxa aanu isticmaalaynaa awood dawladeed. cid kasta oo qaadan wayda go’aankaa xukuumaddu soo saartay oo fulin wayda waanu xidhaynaa isagiina (Maax) waanu amarnay xadhigiisa, waxay  annaga (Xukuumadda) naga ahayd in shirkaddaha Somaliland ka ganacsadaa in aanu soo barbaarino oo ay noqdaan kuwo wax ku darsada dalkan,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Maaliyaddu.

 

Jawaabtii  Shirkadda TELESOM:

 

Shirkadda TELESOM ee  leh adeegga Zaadka ee curyaamiyay dhaqaalihii dalka, ayaa shalay soo saartay war-saxaafadeed ay si toos ah gaashaanka ugu dhufatay go’aankii xukuumaddu soo saartay, waxaanay si indho iyo dhego la’aan ah u beeniyeen in lacagaha lagu diro telefoonnada gacantu ay sababeen sarif bararka iyo sicir-bararka xadhkaha goostay.

Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Ku-xigeenka shirkadaas Maxamuud Xaaji Aadan (Xadeed), waxa uu go’aankii xukuumadda ku tilmaamay mid aan caqli gal ahayn, waxaannu yidhi,  “Telesom waxay caddeynaysaa in adeegga ZAAD aanu marnaba sabab u ahayn “Sicir-Bararka” iyada oo 8-dii sannadood ee adeeggu uu shaqeynayay marxalado kala duwan uu sarifku soo maray oo qaarkood uu gaadhay halkii u hooseysay.

Shirkadda Telesom waa shirkad Qaran, oo ka shaqaysa danaha iyo horumarka bulshada, markastana u keenta adeegyo waxtar u leh, kana fog waxkasta oo dhibaateynaya ummadda.

Ugu dambayntii, ZAAD-ku waa adeeg ballaadhan oo bulshada Somaliland oo dhan isticmaasho miyi iyo magaalaba, muddo kooban oo 48 saacadood ah in lagu xadido waa mid aan marnaba caqli ahaan, farsamo ahaan iyo sharci ahaan toona suurtogal ahayn.”

Mr. Xadeed, waxa uu qoraalkiisa si dheel-dheel ah ugu dooday in adeega Zaadku yahay mid bulshadu faa’iido ku qabtay oo kaalin ka qaatay horumarinta ganacsiga.

 

Lacagihii Dadweynuhu kala baxeen:

Dadweynaha reer Hargeysa, ayaa  bilaabay inay lacagihii ay dhigteen Salaama Bank, ay kala baxaan. Waxaanay safuuf dhaadheer u galeen baankaas oo ay ka qaateen lacagtoodii. Ilo xog ogaal ah ayaa noo caddeeyay in lacag  ku dhow hal milyan doolar ay dadkii  iyo ganacsatada yar-yar ee adeegsan jiray ay ka urursadeen hantidoodii. Ka dib markii ay soo baxday wareegtada dawladda ee lagu xadiday isticmaalka Zaadka iyo E-dahab.

Shirkadda TELESOM waxay dalka ka saartaa lacagta adag ee doollarka, iyadoo ay sannad kasta  uu ganacsiyo kale iyo saro dhaadheer uu Ina Jimcaalle kaga dhisto magaaladda Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply