Magacyadda Shirkado Dawladu Ruqsadihii Sarifka Lacagaha Kala Noqotay

0
395

Hargeysa (Dawan)-Xukuumadda  Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa siddeed iyo afartan saacadood u qabatay Shirkadaha bixiya adeegyadda Zaad iyo E-Dahab in ay ku fuliyaan go’aankii madaxweynaha Somaliland, isla markaana ay muddadaasi habkooda ku sar-jaraan xajmiga lacagadeed ee loo qoondeeyay.

Guddoomiyaha bangiga dhexe ee Somaliland Maxamed Cabdi Dhoobaale oo shalay warbaahinta kula hadlayey xafiiskiisa,  ayaa sharraxaad  ka bixiyey qaabka loo dhaqan gelinayo Degreetadii Madaxweynaha Somaliland, ka soo saaray  sarif bararka iyo Sicir bararka is barkaday, waxaanu yidhi “ Zaad iyo E-Dahab waa in ay habkooda ka saaraan isu dirirka lacagaha boqol doolar wixii ka yar isla maanta, (shalay) siddeed iyo afartan sacadoodna way haystaan iyaga oo lacagta ku jirta u bedelaya shilinka Somaliland , haddii ay ka saari waayaan waxaa ka dhalanaya dembi.”

 

Mr. Maxamed Cabdi Dhoobaale ayaa sheegay in Xukumaddu ruqsadii sarifka lacagaha ay kala noqotay shirkadaha Dahabshiil, Omaar iyo Telesom, waxaanu yidhi, “Dahabshiil, Telesom iyo Oomar iyaga laga bilaabo Maanta(shalay) ruqsadii waa lagala noqday, wax sarif ah oo loo ogol yahayna ma jirto.”

 

Guddomiyuhu sidoo kale waxa uu farriin adag u diray bangiyadda gaarka loo leeyhay, isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Bangiyadda gaarka loo leeyahay sida Dahabshiil , Daarasalaam iyo Ber, maanta laga bilaabo waa in ay habkooda geliyaan shilinka Somaliland, shacabkana waxaan u sheegaynaa in ay bangiyadaa ku kaydsadaan lacagtooda , hadii bangiyadu dadku u furiwaayaan xisaabaadkooda gaarka ah waxaa ka dhalanaya dembi.”

Mr Maxamed Dhoobaale ayaa sariflayaasha ugu baaqay in ay cusboonaysiistaan ruqsadaha iyo liisankooda ganacsi, isla markaana aanay sarifka gacanta danbe dhaafin Karin todoba kun oo shilinka Somaliland ah, “Dhammaan sariflayaasha suuqa jooga ee liisankoodu dhacsan yahay, waa in ay cusboonaysiiyaan maanta laga bilaabo, qofka aan liisanka haysan kama ganacsanaayo sarifka lacagta, waxaana laga qaadayaa talaabo sharci ah, qiimaha sarifka ninka todoba kun gacanta danbe dhaafiy waa dembi, ciidanka ayaana ku shaqo leh oo hore ayaa laga xidhayaa.”

Guddoomiyaha baanka dhexe ee Somaliland, waxa kale oo uu sheegay in ay kalsoonida iyo liisanka sharci, kala noqonayaa qof kasta iyo shirkad kasta oo ka hor timaada go’aanka madaxweynuhu ka soo saaray sicir bararka iyo hoos u dhaca shilinka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply