Mucjisada Eedaanka Salaadda Iyo Dunida!

0
396

Eedaanka salaadda ayaa la cadeeyay in dunida aanu marna iska taagin 24 saacdood. Aqoonyahan ku xeel dheere cilmiga xisaabaadka oo u dhashay dalka Imaaraadka laguna magacabo C/Xamiid Faadil ayaa tusaale xisaabeed ku soo saaray sida aanu dunida 24 saacadood mar walba eedaanku uga socdo.

Eedaanka oo ah ogaysiiska dadka muslimiinta salaadda loogu yeedho ayuu sheegay inuu yahay mid mucjiso ah waxana uu yidhi :”Dunida waxay ka kooban tahay 360 dhigood kuwaasi ayaa wakhtiga dunida gooya, dhig kasta tan ku xigta waxay xagga wakhtiga dheer tahay 4 daqiiqo oo ay ka horayso ama ka danbayso (haddii ay bari ama galbeed ka xigto).

“ Haddaba marka Eedaanka si fiican oo dhexdhexaad ah loo eedaamo wakhtiga uu qaata waa 4 daqiiqo, marka uu dhamaadona waxay gaadhaysa dhigta ku xigta taasi wakhtigeedii ilaa uu gaadho dhigta 360”. “ “ Taasi macnaheedu wuxu noqonaya in 360 x 4 = 1440 daqiiqo.   Waxaana halkaasi ka soo baxaya in 24 saacdoodana ay yihiin 1440 daqiiqo.

360 x 4 = 1440 ÷ 60 =  24 saac. Sidaasi ayuu eedaanku 24 saac kolba dhig u gudbaa ayuu hadalkiisa ku soo xidhay”. ( Islamweb.net)

 

Leave a Reply