Nin xabsi ka doorbiday la noolaashaha xaaskiisa

0
329

70 jir ka soo jeeda gobolka Kansas ee dalka Mareykanka ayaa Talaadadii qirtay in uu dhac u gaystey Bangi isagoo taas uga gol lahaa inuu ka  baxsado xaaskiisa.

 

Lawrence Ripple ayaa dhac ka gaystey Bangiga Kansas City September-tii la soo dhaafay isla markaana wuxuu goobta nasashada ku sugay booliiska ilaa ay soo gaadheen xarunta Bangiga si ay u xidhaan.

 

Ninka ayaa u sheegay dambi-baadhayaasha in uu ka jeclaan lahaa in uu tago  xabsi intii uu ku noolaan lahaa gurigiisa waxaanu hadda uu mutaysan doonaa xabsi illaa 20 sano ah.

 

Xaaskiisa ayaa joogtay Maxkamadda balse waxay ka gaabsatay inay wax ka tidhaahdo arrintan sida ay warisay jariiradda Kansas City Star.

Mr Ripple ayaa markii uu bangiga tagay wuxuu u dhiibay qoraal uu u dhiibay mid ka mid ah xisaabiyeyaasha Bangiga, isagoo qoraalkiisa ku xusay in uu wato qori isla markaana uu  doonayo lacag, sida lagu xusay qoraalada maxkamadda.

NInka ayaa loo dhiibay lacag dhan $3,000, laakiin meel dheer ma tegin oo muu noqon budhcad baxsada laakiin wuxuu fadhiistay qaybta nasashada oo uu ku sugay booliska si marka  loogu war geliyo in Bangiga la dhacay ee ay u yimaadaan ay u xidhaan,waxaana yaab booliska ku noqotay markii ay soo galeen ee uu ninka wax dhacay u sheegay in uu yahay ninka ay raadinayaan.

Leave a Reply